Saturday, October 25, 2014

Ugu yaraan 3 Qof oo ku dhintay Qarax Muqdisho ka dhacay

[caption id="attachment_100527" align="alignleft" width="400"]qara1 Sawirkan waxaan ka soo xiganay HOL[/caption]

Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhintay, shan kalena waxa ka soo gaaray ku dhaawacyo  qarax maanta afaafka hore ee hudheelka Golden Hotel oo ku yaalla  jidka muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama, kaasoo ka dhashay gaari waxyaabaha qaraxa lagu soo xiray.

Gaariga ayaa ku qarxay meel wax yar u jirta guriga Shaqaalaha oo xarun u ah waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya,sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen goob-joogeyaal.

“Baabuurka waxaa la dhigay hoteel Golden hortiisa, si lama filaan ah ayuu u qarxay, waxaa arkay dhimashada saddex ruux, shan kalena way ku dhaawacmeen,” ayuu u sheegay HOL goobjooge ku sugnaa meel ku dhow halka qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale, goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada amniga dowladdu ay gacanta ku dhigeen darawalkii waday gaariga qarxay.

Sidoo kale saraakiil u hadlay Laanta Sirdoonka ee Dawladda ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Wadihii Gaariga Qaraxa lagu soo xiray.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan, waxaase sida la wada ogsoonyahay  qaraxyada noocan oo kale ah inta badan sheegta Kooxda Alshabaab ee dagaalka kala soo horjeeda Dawladda Soomaaliya.qarax

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com