Sunday, October 26, 2014

Wasiir ku-xigeen hore oo xadhig lagu xukumay Somaliland

Wasiir-Ku-xigeenka-amnigaHargeysa(GNA)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta xukun ku riday Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Cismaan Abokor iyo Booligaadhkiisii oo muddo dhowr bilood ah ku xidhnaa xabsiga dhexe Hargeysa.

Cabdilaahi Abokor ayaa lagu xukumay saddex sannadood oo xadhiga ah, halka Askarihii ilaalada u ahaa markii uu xilka hayayna lagu xukumay hal sano.

Xukunkan ayaa lagu tilmaamay mid sharci daro ah, sida uu sheegay Qareenkii u doodayey Wasiirku-xigeenka oo magaciisa la yidhaahdo Foosi Sheekh Yoonis Xassan, kaasoo sheegay inuu dhinac ka raranyahay Xukunku.

“Xukunka Saaka Maxkamadu riday maaha mid sharci ah,waxa uu ahaa mid sharciga dalka u yaala Baal marsan,Waxaana uu ahaa mid Xaga xukuumada ka raran oo siyaasadaysan,waxaanan u arkaa xukunka mid cadaalada iyo garsoorkaba ka fog” ayuu yidhi.

Wasiir ku-xigeenka hore iyo xubnaha lala xukumay, ayaa badhtamihii sanadkan la xidhay, kaddib uu eeddeymo culus u jeediyay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo uu ku eeddeeyay inay xidhiidh la leeyihiin Ururrada Argagixisda ah.