Friday, October 31, 2014

Golle lagu hungoobay!!

hamse1(1)Qaybta saddexaad ee Maqaalkan Mudane Ma I Maqashaa waxaan kula hadlayaa Goolaha sharci dejinta Somaliland, Golahan oo ah kan hirgeliya una coddeeya in uu sharci lugu maamulo arimaha kala duwan ee dalka hirgeliyo.

Golahan oo sida Dastuurka qodobkiisa 39aad uu qeexay in ay yihiin “qaybta 1aad ee xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka” ayaa muddada wakhtiga xilka ay hayaan uu yahay 5 sano oo ka bilaamaya maalinta maxkamadda sare ay ku dhawaaqdo go’aamada doorashada, arinta oo uu qeexayo qodobka 42aad ee Dastuurka jamhuuriyada Somaliland, handan waxaad moodaa in xeerka ay dhamaan xubnaha Goolaha wakiiladu iska indho tirayaan oo, hadii wakhtigii soo dhawaado ay raadiyaan sidii ay u kordhisan lahayeen, isla markaana u raadin lahayee oo u meel marin lahayeen xeerar iyo qodobo kale oo lugu lifaaqo qodobkan oo sabab ka dhigaya in ay xilka kordhistaan, In kasta oo uu jiro xeer kamid ah qodobka 42aad oo odhanay “Haddii doorashada Goolaha wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaas, duruuftahaas waa ka mid ah Xasilooni darro Guddah ah, Aafo dabiici ah sida dhul-gariir iyo abaaro culus........” Hadaba sida qodobkani caddaynayo uun baa Mudane Xildhibaan xilka aad kusii hayn kartaa, laakiin haddaad sababyn kari waydid xilkana doonaysid in aad sii haysid waxay noqonaysaa mid kabaxsan Xeerarkan.

Mudane Gole Ma ogtahay meesha aad kaga jirtid shacabka? Misana ma ogtahay awoodaha aad ku leedahay shacabka dhexdooda? , Golahan oo ah gole ay soo doortaan shacabku qof kasta oo Qaangaadh ahi waxa uu kuleeyahay Goolahan nin xildhibaan ah oo u taagan in uu uqabto baahiyihiisa, laakiin tan la iswaydiinayaa waxy tahay Muddane xildhibaan Dadkii ku soo doortay ma u hirgelisay waxy ku soo doorteen, Mise waxaad noqotay Nin shaqo-tagay oo Waxaadd leedahay cida iga dambaysa daaddku ha qaato.

Misana ma ogtahay Muddane Gole in uu jiro qodob kuu fasaxaya in aad talo iyo tilmaamo u gudbisid dawlada dalka maamulaysa oo aad kala hadashaan siyaasada guud ee maamulka, taas oo shacabka idin soo doortay u arkaan mid aydaan fuline kana aamustaan, haddii aad talo iyo tusaale istidhahdaan u jeediya xukumaddana aad si Mucaaradnimo, xisbinimo aad ula haddashaan taas oo keenaysa in Dhankii kale Ee fulinta sharciga aad degjisaan oo ah Golihii wasiirada iyo Madaxdii sare in ay dib u gursho sameeyaan, oo Xaaladu farah ka baxddo.

In kasta oo aanan ku arag Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland qodob sheegaya in Goolaha wakiiladu dadka waxgaradka ah ee bulshada in ay ka dhagaystaan baahiyaha ay leeyihiin ee aan wali wax laga qaban, Handana miyeyna ahayn in goolaha wakiladu la sameeyaan xidhiidh dadkii iyo shacabkii soo doortay ee iyagu ay ugu sareeyaan.

Mudane Xildhibaan Waxaa in baddan shacabka Somaliland maqlaan arimo beryahan dambe ku cusub oo ah in goolihii ay doorteen ee iyaga u fadhiyey meesha in Buuq, isku dhac, dagaal iyo colaad joogto ah isku qaddaan taas oo ku keenaysa niyad jab iyo in aanay jirin cid hagaasan oo maamusha, Doorashada dambana ay ka niyad jabaan in ay u coddeyaan.

W/Q: HAMSE BAASHE MUHUMED

E-mail: xamse18@gmail.com

Hargeysa Somaliland