Saturday, October 25, 2014

Wasiirro Madaxtooyada laga canaantay oo shir la yeeshay Madaxdhaqameedka Galbeedka Burco

Madaxweyne Siilaanyo oo Masuuliyiinta Xukuumadda ee Galbeedka Burco kala dooransiiyay inay kuraasta baneeyaan inay taageero ka keenaan Beelahooda iyo kulan ay la yeesheen Suldan Maxamed Xirsi Qani

wasiirroHargeysa(GNA)-Wasiirrada iyo Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ee ka soo  Galbeedka Burco, ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Hargeysa xubno ka mid ah Madaxdhaqameedka beeshaas, siiba Suldaanka Guud ee B/Habar-yoonis Suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo Suldaan Xiiray.

Kulankan  oo isugu jiray is-xog waraysi siyaasaddeed, ayaa ka dhacay Beerta Ilma-xaaji Baandare ee bariga Hargeysa, halkaasoo ay salaadiinta casuumad qado ah ugu sameeyeen, masuuliyiinta xukuumaddu.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Shirkan oo aan saxaafadda loo ogolayn, balse ilo-wareedyo Gobanimonews heshay oo ku taxaluqa waxyaabaha looga hadlay, ayaa sheegaya inay Wasiirradu labada Suldaan u soo bandhigeen inay taageeraan Madaxweynaha, isla markaana deegaamada ay madaxdhaqameedka u yihiin taageero uga raadiyaan.

Wasiirrada Shirka ka qayb galay oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Waran-cadde, Wasiirka horumarinta reer Miyiga iyo deegaanka Shugri Xaaji Baandare, Dr. Cabdi Aw-daahir iyo xubno kale, ayaa Salaadiinta u sheegay in Madaxweynuhu ku canaantay inay taageero siyaasaddeed ka keenaan  deegaamada ay ku metelaan Xilalka ay hayaan, ama baneeyaan si cid kale oo xidhiidh la leh bulshada loogu magacaabo.

Warku wuxuu intaa ku darayaa, in Wasiirrada iyo Masuuliyiinta kale ee shirka ka qayb galay Salaadiinta ka codsadeen inay taageeraan Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa, islamarkaana ay kala howl-gaalaan sidii ay kalsooni uga heli lahaayeen shacbiga ay  madaxdhaqameedka u  yihiin.

Waxay ka codsadeen inay kala shaqeeyaan olole ay taageero ugu raadinayaan Madaxweyne Siilaanyo si mar kale loogu doorto hogaamiyaha waddanka, maadaama uu sharaxanyahay, iyagoo sida muuqata doonaya inay beeshooda oo ku badan dhinaca Mucaaridka Kulmiye dad uga soo jiidaan.

Lama oga Jawaabta uu Suldaanka Guud ee Beesha Galbeedka Burco arrintan ka bixiyay, balse ilo-wareedyada kulanka aanu ka helnay waxay tibaaxayaan in Suldaanka iyo hogaan-dhaqameedyada kale ee la socday si hufan u darseen doonista Siyaasiyiinta Muxaafidka ah ee la soo canaantay, inkasta oo aanay xogtu cayimin halka wax laysla dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa ka dambeeyay, kaddib markii Khamiistii la soo dhaafay madaxweyne Siilanyo Golihiisa Wasiirrada u bandhigay inuu Musharax dhab ah yahay, isla markaana Wasiir walba looga baahanyahay inuu taageero bulsho ka keeno beesha uu metelo.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu si gaar ah dhaliilay Wasiirrada Beelahoodu Mucaaridka ku yihiin xukuumadda, kuwaasoo uu kala dooransiiyay inay Kuraasta waayaan iyo inay Taageero ka keenaan dadkooda.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com