Friday, October 31, 2014

Xasan Sheikh oo ka degay Abu Dubai iyo Siilaanyo oo la sugayo

Faysal Cali Waraabe Dubai ku sugan iyo Xasan Sheikh oo toos uga degay Abu Dubai

[caption id="attachment_91471" align="alignleft" width="300"]Madaxweynaha oo khudbad u jeedinaya barlamanka Madaxweynaha oo khudbad u jeedinaya barlamanka[/caption]

Hargeysa(GNA)-Todobaadka dhamaaday waxa la filayay inay isu-taga imaaraadka carabta ku kulmeen ku kulmaan Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Xasan Sheikh Maxamuud oo ay Dawladda Imaaraadku ku marti-qaaday Kulan aan ajandihiisu caddeyn oo loo fasirayay inuu yahay shir lagu sii ambo-qaadayo wada-hadaladii u dhexeeyay labada dhinac ee ka socda Turkiga oo dhowr jeer dib u dhac ku yimi sanadkan gudihiisa.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Dib u dhac ku yimi Kulanka loogu yeedhay labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya, balse sida ay ilo-wareedyo diblomaasiyaddeed xaqiijiyeen, Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dalbaday dib loogu dhigo sababo la xidhiidha khilaaf soo kala dhex galay Reysal-wasaaraha Dawladdiisa.

Madaxweyneha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo khilaafkii dawladdiisa awgeed loo baajiyay shirka ay wada yeelan lahaayeen Madaxweyne Siilaanyo, ayaa hadana khamiistii Shalay gaadhay magalada Abu dubai ee cariga isu-taga Imaaraadka Carabta.

Ma jiro war rasmiya oo Dawladda Xamar ka soo saartay ujeedada Socdaalka Xasan Sheikh ku tegay Magaalada Abu dubai, balse sida ay tibaaxayaan Ilo-wareedyo wargeyska Yool ka helay safarka, ayaa sheegaya inuu soo ajiibay marti-qaadka loo fidiyay isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo.

Inkasta oo ay Ilo-wareedyadu sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo-na labada maalmood e soo socda u safro dhinaca Madasha lagu wada casuumay isaga iyo Xasan Sheikh, hadana ma jiro ilaa hada wax war ah oo ku saabsan arrimahan oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo todobaadyadii ugu dambeeyay ku mashquulsan hurinta xiisada u dhaxaysa Golaha Wakiillada ee lagu muransiyay Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga ah.

Sidaasoo ay tahay, masuuliyiin sar sare oo ka tirsan laamaha dawladda oo ka gaabsaday inaanu magacyadooda soo xigano, ayaa calaamatu-su’aal geliyay socdaalka madaxweyne Siilaanyo ee abu Dubai. Waxayse xuseen in hadii xasan sheikh uu ka baxay codsigii dib u dhigista, laga yaabo in madaxweyne siilaanyona labada maalmood ee soo socda uu u ambo-baxo halkaasi.

Geesta kale, Xidhiidh kala duwan oo wargeyska Yool xalay la sameeyay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada xukuumadda somalilnd, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo isugu ku shaqo leh arrimaha siyaasada dibada iyo Wasiirka Warfaafinta sida la sheegay ku jiray weftiga madaxweynaha u raaci lahaa Imaaraadka Carabta, ayaa noo suurto-geli waayay inaanu helno, kaddib markii ay labadooduba ka jawaabi waayay Telefoonnadooda gacanta oo aanu ka wacnay.

Geesta kale, waxa magaalada Dubai ku sugan Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Xubno ka mid ah Goleyaasha Baarlamanka oo uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha dawladda.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sida la sheegay uu safarkiisu la xidhiidhay inuu ka qayb-galo Shirka madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, hase ahaatee ma cadda ujeedada ay halkaasi u joogaan xubnaha kale ee aan kor ku xusnay.

Geesta kale, waxa Magaalada Dubai shalay lagu soo gabagabeeyay Shirka kale ee looga hadlayay arrimaha Budh-cad baddeeda, kaasoo aanay wax door ah ku lahayn Dawladda Somaliland.