Friday, October 24, 2014

Gaadhi is wadaya darawal la’aan oo la rajaynaya in la soo saaro horaanta 2015-ka

self-150x150(GNA)Baabuurta xamuulka ee looriyada loo yaqaano ayaa markii ugu horaysay la tijaabinayaa inay socdaalaan darawal la’aan. Baaruutaan is wadaysa ayaa la saadaalinayaa si rasmi ah u shaqo bilaabi doonaan sanadda 2015

 

Hal abuurkaan cusub ee lagu soo saarayo baabuur is wade ah ayaa lasheegay inuu leeyahay faaiido wayn taasoo ah inuusan isticmaalayn shidaal badan, sidaasi waxaa yiri mid kamid ah ikhtiraacayaasha baabuurkaan,  hasa yeeshee feejignaan aanan  looga maarmaynin marka uu jiro traffic jam iyo xaalado dag dag ah,

 

Dowladda ayuu baabuurkani ka yaabiyay, iyadoona yaab dartiis anan wali self-150x150wax go’aan ah ka qaadan iyadoo ku laba labaynaysa masuuliyadda bulsho iyo baabuurka is wadaha ah

 

Hadaba war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaadiidka dalka Ingiriiska ayaa lagu yiri “ wali go’aan lagama gaarin isku dayga ah in la tijaabiyo teknoolojiyaddan casriga, dowladdu waxay mar waliba u taagantahay hubinta tayada iyo dan fududayta dadwaynaha, sidoo kale amniga jidadku waxay mar waiba yihiin ahmiyad aanan sinannaba looga tanaasuli Karin ama aanan loo dhayalsan Karin siyaabaha qaar”

 

Hindisahaan cusub ayaa waxaa uu dareekooda aad u soo jiitay shariikado maalgashi kuwaasoo aad u doonayo in aad loo sameeyo cilmi baaris qoto dheer si loogu guulaysto howshaan bilowga taagan

 

Shirkadda Toyota oo ka digtay in dayac iyo masuuliyad darro, sheegtayna in aysan soo saari doonin baabuur is wadaya

 

Iyadoo maalmihii dambe ay shariikadaha baabuurta sameeya ay aad ugu howlanaayeen soo saarista baabuur is wadaysa ayaa shirkadda Toyota  waxaa ay sheegtay in ay aad tixgalin iyo ahmiyad wayn u siin doonto amniga iyo anshaxa bulshada.

 

Madaxa Amaanka teknolojiyadda shirkadda Toyota ayaa shaaciyay in aysan soo saari doonin baabuur is wadaya ayna xooga saari doonta kafaala qaadista amaanka iyo ka digtoonaanta dayac iyo masuuliyad darro.Dowladaha, shariikado iyo ururo badan ayaa walwal iyo dareen ka muujiyay baabuurta noocaasi ah iyagoona ku baaqay in aanan laga tanaasulin masuuliyadda bulshada lo hayo iyo amaanka guud.

 

Shirkadda ayaa iyada qudheeda isku dayday soo saarista baabuurkaani, balse falanqayn iyo ka fiirsasho badan, waxaa ay u arkeen wax aanan cuntami karin

 

Hadalka masuulkaan u hadlay shirkadda caanka ah ee Toyota ayaa ku soo aadayay xili aad loo saadaalinayay in shirkaddu ku dhawaaqdo soo saarista baabuur is wadaya oo iyadu leedahay.