Monday, October 27, 2014

Xildhibaannada Muxaafidka oo ku kala qaybsamay Maamus ka xayuubinta Cirro

Guddoomiye ku-xigeennada Wakiillada oo lagu dirqiyay inay ka hor-yimaadaan Cirro

baasheHargeysa(GNA)-Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf, ayaa ku biiray Xildhibaanada Muxaafidka eek a soo horjeeda Guddoomiyaha Golahaasi, waxaanay maanta ku dhawaaqeen in Guddoomiye Cirro Guurtida u gudbiyay xeer aan ahayn kii Golahoodu ansixiyay.

Baashe iyo Dr. Cali, ayaa maalmahan oo dhan intii buuqu ka dhex taagnaa Golaha, ka aamusnaa Khilaafkan,inkasta oo mabda’ ahaan taageersanaayeen garabka madaxtooyada laga soo abaabulo ee Golahaasi.

Hase ahaatee waxay maanta si rasmiya u shaaciyeen inaanay Guddoomiyaha kula aragti ahayn xeerka uu gudbiyay “Guddoomiyuhu wuxuu gudbiyay oo Golaha Guurtida u gudbiyay xeer aan ahayn kii Golaha Wakiilladu ansixiyey. Waxa la sameeyay xeerkii Golaha ee 64 mudane u codeeyeen ayaa lagu daray sagaal qodob oo kale”sidaas waxa yidhi Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Wakiillada Baashe Maxamed Faarax.

Baashe iyo Cali Yuusuf oo maanta ka qayb-galay Shir-hadhimeed Garabka Golaha ee Muxaafidku ku yeesheen Hudheelka Maansoor, ayaa ku doodday inaanay Golaha dhex oolin dhibaato kale oo aan ahayn sixida xeerka khaladaadka lagu sameeyay.

“ Golaha wax dhibaato ah oo kale ma dhex yaallaan, waxa kaliya ee dhibku ka taaganyahay waa xeerkaa Guddoomiyuhu qodobada ku daray, kaas hadii la saxano arrintu way iska dhamaanaysaa”ayuu mar kale yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiye Baashe , ayaa sidoo kale meesha ka saaray jiritaanka Mooshin ka dhan ah Cabdiraxmaan Cirro oo ay mudaneyaasha Muxaafidku hore ugu hanjabeen inay kursiga kaga tuurayaan Guddoomiyaha “waxaan leeyahay waxba kama jiraan waxaan suuqa laga shubayo ee cidbaa xilka laga qaadayaa iyo Guddoomiyaa la ridayaa ah. Waxa kaliya ee Golaha laysku hayaa waa in xeerkaas laga saaro wixii lagu daray, taana marka golluhu soo noqdo ayaan rajeynayaa inay iska dhamaan doonto.”ayuu yidhi.

Hogaanka Xildhibaanada Muxaafidka ah, ayaa dhinaca kale ansixinta Guddida cusub ee Doorashooyinka ku xidhay sixidda xeerka ay ku dooddayaan in wax laga bedelay ee Guurtidu ku soo celisay, waxaanay Guddoomiyaha golaha ugu baaqeen inuu muddada Goluhu fasaxa yahay uu ka soo dego mowqifka adag ee uu ka taaganyahay arrintaas.

Sidaasna waxa sheegay labada guddoomiye ku-xigeen ee Shir-guddoonka Wakiillada “Komishanka ansixintiisa waxa ka horaysa in xeerkan la saxo”ayuu Guddoomiye Baashe oo arrintaas ka hadlay.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Dr. Cali Yuusuf oo isna ka hadlay shirkan ay maanta warbaahinta u qabteen Xildhibaanada Muxaafidku, ayaa khilaafka Golahasi hadheeyay ka istaagay halka uu ka taaganyahay ku-xigeenka 1-aad.

Guddoomiye ku-xigeennadan maanta hadlay ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyeyba ka cago jiidayay codsi madaxtooyadu u gudbisay oo ahaa inay Guddoomiye Cirro ka hor-yimaadaan, isla markaana u markhaati furaan Xildhibaanada Muxaafidka ah.

Sida ay gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo madaxtooyada laga helay Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf, ayaa shalay ku gacan saydhay codsigan Madaxtooyada uga yimi, iyagoo ku andacooday inaan hore loogala tashan talaabada lagu carqaladeeyay Golaha, isla markaana aanay wax ixtiraam ah ka helin xukuumadda iyo Xildhibaanadda gacan saarka la leh.

Labdan xubnood ayaa saluugsan ilaa hadana aan la dhacsanayn qorshaha ay xukuumaddu wadato ee Golaha Wakiillada lagu gil-gilay,balse waxa muuqata in dhawaaqoodan maantu uu yahay mid lagu dirqiyey.

Si kastaba ha ahaatee Kooxda Muxaafidka ee Golaha Wakiillada ee hore ugu hanjabay inay fadhiga ugu horeeya ee Golaha keeni doonaan Mooshin Kursiga lagaga tuurayo Guddoomiye Cirro iyo mowqifka Baashe Maxamed Faarax arrintaasi ku beeniyay ayaa muujinaysa kala qaybsanaan iyo inaanay jirin qasti cad oo madaxtooyada iyo Xildhibaanaddeedu ay ka leeyihiin gulufka siyaasaddeed ee ay ka abuureen golahooda.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com