Tuesday, October 28, 2014

Wasaarada Arrimaha gudaha oo ku wareejisay Gobollada Gaadiid loogu talo-galay diwaan-gelinta

gaadiidka112Hargeysa(GNA)-Wasaarada Arimaha Gudaha somaliland ayaa ku wareejisay Gaadiid loogu talo-galay howlaha Diwaan-gelinta Gobolada dalka.

Gaadiidkan oo howl-wadeenada diwaan-gelinta fulinaya iyo agabka ay ku shaqaynayaan in lagu qaado loogu talo-galay, ayaa qaybtii u horaysay Maanta Wasaaraddu wareejisay, iyadoo qaybo kalena dhawaan la siin doono gobollada qaar.

Munaasibada loo sameeyay wareejinta Baabuurtan oo lagu qabtay xarunta Wasaaarrada Arrimaha Gudaha, ayaa waxa ka qayb galay Saraakiil sar-sare oo ka socda Wasaarrada, kuwaasoo Gaadiidkan ku wareejiyay gobollada loogu talo galay.

Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Wasaaradda Maxamed Cismaan Dube iyo Madaxa Gaadiidka ee Wasaaradda, ayaa Xafladaasi kaga war-bixiyay ujeeddada gaadiidkan loogu diyaariyay fulinta Diwaan-gelinta iyo doorka ay ka qaadan doonaan addeegyada isagadhsiineed shaqada.gaadiidka11

Maxamed Cismaan Dube oo ugu horayn munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay gaadiidkan ugu tala galeen inay ka hawl galaan goobaha diwaan gelinta madaniga ahi ka socoto, isagoo xusay inay kaalin mug leh ka qaadan doonaan howsha. waxaanu yidhi “ waxaanu maanta halkan ku wareejinaynaa gaadiidkii loogu tala galay goobaha diwaan gelinta madaniga ah, waxaanan rajaynaynaa inay si fiican u gudan doonaan hawlaha loogu tala galay, waxaanan dadweynaha u soo jeedinaynaa inay is diwaan geliyaan oo ay muujiyaan muwaadinimadooda.”

Agaasimaha ayaa intaasi raaciyay inay Baabuurtani ay shaqada ka bilaabi doonaan Gobolka Maroodi-jeex oo ay diwaan-gelintu ka socoto hada, iyadoo qaar gobollada kale loogu talo galayna uu halkaasi ku wareejiyay, kuwo kale dhawaan ay siin doonaan gobollada.

Madaxa Gaadiidka ee Wasaaradda Cali Xasan Waqooyi oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa sharaxaad ka bixiyey gaadiidkan ay wareejiyeen, waxaanu tilmaamay inay hormadii koowaad qaybtani tahay, kuwo kalena ay dhawaan bixin doonaan.

“Waxaanu maanta wareejinaynaa hormadii koowaad ee gaadiidka ah ee loogu tala galay diwaan gelinta madaniga ah ee dalka ka socota, waxaanay gaadiidkani ka hawl gali doonaan kolba gobolka ay diwaan gelintu ka socoto, waxaana dhawaan ina soo gaadhi doona qaybtii labaad ee gaadkii loogu tala galay diwaan gelinta oo haatan dekeda Berbera soo gaadhay.”ayuu yidhi.

Gobollada gadiidkan lagu wareejiyey waxa ka mid ah Hargeysa iyo Gabiley oo ugu horeeya meelaha laga fulinayo diwaan-gelinta Muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha haatan si habsami ah uga socota Magaalada Hargeysa.gaadiidka

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com