Thursday, October 30, 2014

Xubin ka tirsan Mucaaridka Somaliland oo la xidhay

[caption id="attachment_100774" align="alignleft" width="300"]Midig: xoghayaha Waddani ee X, Xoolaha oo la xidhay Midig: xoghayaha Waddani ee X, Xoolaha oo la xidhaySOMALILA[/caption]

Hargeysa-(GNA):-Xogahayaha Xanaanada Xoolaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xasan Axmed Goodaad,ayaa Xabsiga loo taxaabay kadib markii uu dhawaan dhaliilo ugu jeediyay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan-Gaal).

Xukuumada Somaliland ayaa dhibsatay Dhaliilo xoogan oo uu u jeediyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan-Gaal oo uu ku eeddeeyay inay ka badheedheen inay  isu xulafaystaan khilaafka Golaha Wakiillada.

Xasan Axmed Goodaad oo katirsan Gudida Fulinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa hada ku xidhan Xarunta C.I.D. ee Magaalada Hargeysa,waxaana la sheegay in loo diiday in lagu booqdo halkaasi .

waxaanay wararku tibaaxeen in Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade si gaar ah ugu balamiyay,Ciidanka C.I.D.

Masuulkan ka tirsan Xisbiga Waddani ayaa loo diiday in ay soo bookhdaan Ehelada iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, taas oo xad-gudub ku ah Xoriyada Muwaadinka.

Eedaymaha uu u jeediyay Xukuumadda iyo Shir-guddoonka Guurtida ayaa shalay lagu baahiyay Wargeysyada dalka ka soo baxa.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com