Friday, October 31, 2014

Gabiley: Kaalin Shidaal oo ku shuf-beeshay Dab

Gabiley(GNA)-Kaalin Shidaalka lagu iibiyo oo ku taallay Magaalada Gabiley ayaa ku shuf-beeshay Dab qadsaday goor dhaweyd, taasoo la waayay dab-damis bakhtiiya.

Kaalintan uu leeyahay Ganacsade la yidhaahdo Cabdi Jirde, ayaan la ogayn sababta uu ka dhashay dabka ka kacay, waxaana u soo gurmaday shacbiga magaalada oo isku dayay inay bakhtiyaan, inkasta oo ay ku adkaatay inay badbaadiyaan waxyeelada soo gaadhay Kaalinta.

Tiro koob rasmiya laguma hayo baaxada Khasaaraha adduunyo ee gubashada kaalintu sababtay, balse goob-joogeyaal ayaa sheegay in waxyeelo badani soo gaadhay.

Kaalinkan gubtay ayaa ku yaalla Laamagiga badhtamaha magaalada dhex mara ee Galbeedka iyo bariga uga baxa.

 

Ilaa hada laamaha Bilaysku wax war ah kamay soo saarin dhacdadan, noociidu hore uga dhacay Magaalada Hargeysa horaantii sanadkan, kaddib markii ay Kaalin ku taallay xarun Ganacsi oo Kaah la yidhaahdaa qarax samaysay goor galabnimo ah, xilli Shidaal lagu shubayay Kaydka Kaalintaas.

La soco wixii war ka soo kordha Kaalinta Gabiley ee gubatay..