Monday, October 27, 2014

Dhalinyarada Awal Bari oo eeddeymo kulul u jeediyay Xukuumadda

S2540007Hargeysa(GNA)-Dhalinyarada Beesha Awal Bari ee Gobolka Togdheer ayaa Maanta Shir Jaraa'id oo ay ku qabteen Maanta Magaalada Burco waxay kaga hadleen Xadhiga wasiirkii hore ee Amniga C/laahi Abokor oo ay Maxkamda Gobolka Xargaysa ku riday Xukun Sadex sano ah,iyo mudo kordhin loo sameeyo dawlada hada talada haysa.

waxaanay ku tilmaameen xadhiga wasiirka mid cadaalada ka baxsan,sidoo kalena waxay sheegeen inaanay ogaolaan doonin wax mudo kordhin ah oo loosameeyo dawlada hada jirta iyagoo sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan hadii ay isku daydo.
Ugu horayn waxa shirkaas Jaraa'id ka hadlay Gudoomiyaha Dhalinyarada Jiidali ee Gobolada bari C/samad Axmed Boon waxaanu yidhi'' Horta shirka dhalinyarada Somaliland hala taageero oo dalka ha la badbaadiso,waxaan leeyahay Madaxwayne Siilaanyo Wallaahi  Maalinkuu kodhinmayno oo kuu kordhi mayso,hadii aanu nahay dhalinta Reer Somaliland intaanu magafe ku dhimanayno waanu ku dhimanaynaa hadii ay kuu korodho,waxaan leeyahay C/laahi hala sii daayo waa dagaalkii siciid cilmi bawbawle sheegay ayay kaw ka tahay beel baa la weerarsanyahay oo tikniko loosoo qaatay ,Ciidamo shisheeye oo nasoo kala gaadha ayaynu u baahanahay oo ina soo gacangaliya oo nasoo kala gaadha.ayuu  kaga baxay hadlkiisii.
Xoghayaha Jiidali ee Gobolka Togdheer Mustafe Axmed Xasan  ayaa yidhi'' waxaanu canbaaraynaa xukunkuu shalay laguy riday Wasiir ku xigeenkii amniga C/laahi abokor,waxaa la yidhi qoryaa gurigiisa laga soo helay,waad ogaydeenoo kuwii shalay qoryaha Gawaadhida saaray ee wasiirada ah eeqaran dumiska ahaa  ee shanta casho ka xidhnaan kari waayay Axmed siilaanyo ayaa xidhay,wasaarada arimaha guduhu waxay tidhi hubaa Gurigiisa yaalay,kii xukumay waakii yidhi waxba kama jiraan ee aad maqlaysay,halkaas waxaad ka arkaysaa inaan geedna lagu soo gabanayn.

C/laahi Axmed Xasan oo isna ka hadlay shirkaasi ayaa yidhi “xadhiga C/laahi loo gaystay waa xaq daro,waynu ogayn oo maalintii 2009 kii xirsi ninkii Gawaadhida kurta jaray buu ahaa Burco,kii ayaad ka dhigatay wasiir qaaliya,waxaan ku leenahay Calaahi waa c/laahi qani ee sii daa baanu kuleenahay.

Dr-Tayasiir Yaasin warsame oo ka mid ahaa aqoonyahanka halkaas ka ahdalay ayaayidhi'' wasiir C/laahi Abokor si xun oo fool xun lagu eedeeyay,waana laga been sheegay sidii aad maqlayseen,waxaanu leenahay haka fiirsato waxyaabaha noocaas ah.
Axmed Cabdi xasan ayaa hadalkiisa ku soo jaray maxkamada cadaysay inaan kiiskii lagu soo oogay inaan waxba ka jirin,kuwii Gawaadhida kurta ka jaray qarandumiska ahaa ayaa jeelka ku jiri kari waayay,Berigii ay mucaaridka ahayd xukuumadu waxay ka qaylin jirtay sharci darada tii bay sii laban laabtay
Xasan Cumbul oo ka mid ah dlinta Awal bari ee Gobolka Togdheer ayaa dawlada ugu baaqay inay xoriyadiisa usii dayso wasiir ku xigeenkii hore waxaanu aad ugu dheeraaday in ay daladu masuul ka tahay wixii ka yimaada.

Axmed Muuse Maxamed

Gobanimonews

Burco Office

Email: editor@gobanimonews.com