Monday, October 27, 2014

fadhigii golaha deegaanka caasimada oo maalintiisii 3Aad galay iyo xildhibaanada oo doodooda ku ansixyay qodobo.

,waxay cabasho ka muujiyeen xarumaha degmooyinka ee ay ka socoto diwaan galinta oo ay sheegeen in hakis galisay shaqadii degmooyinka ee dhanka cashuuraha,

DSC08008Hargeysa(GNA) Kalfadhigii 8aad ee golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa oo maalintii 3aad ka socda hoolka Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa lagaga dooday laba qodob oo kala ah ka qaybqaadashadda diiwaangelinta Madaniga ah iyo dardargalinta soo xereynta cashuuraha baaqda.

Kalfadhigan oo markii hore uu furay Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa xildhibaanadda u sheegay inuu hawl u baxayo, isla markaana ku sii wareejin doono ku ku xigeenka maayarka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago Weyne).

Intaas ka dibna waxa shirgudoonkii la wareegay ku xigeenka maayarka Cabdicasiis Cago weyne, waxaanu xildhibanadda usoo jeediyey inay ka doodaan labadaasi qodob oo kalfadhigan horyaala, waxaanay xildhibaanadda intooda badan isla garteen inay
diiwaangelinta Madaniga ahi muhiim u tahay dadweynaha, isla markaana xildhibaanadda loo qaybiyo degmooyinka caasimadda si ay ula socdaan qaabka hawshu u socoto iyo sida dadweynaha loo wacyigelin lahaa.

Sido kale, xildhibaanadu waxay soo jeediyeein in shaqaale dawladda hoose ka socda oo ku soo tobabarta qaabka shaqadda u socoto la geeyo goobaha diiwaangelintu ka socoto si hadhow ula soo wareegto dawlada hoose marka ay dhamaato ololaha diiwaangelinta wadanka laga hirgaliyo, kuwaas oo soo jeediyey in sodanka goobeed ee ay ka socoto la geeyo sodan shaqaale oo IT-ka dawladda hoose ah si ay macluumaad uga soo bartaan, kuwaas oo kharashkoodda dawladda hoose bixinayso.

Sidoo kale, waxay ka doodeen in goobaha dadka lagu diiwaangelinayo ay baajiyeen shaqaddii dawladda hoose ee dadka u qabanayso, islamarkaana loo baahan yahay in guryo u gaar ah loo kireeyo.
gaba gabadii mudanayaasha ayaa ansixiyay laba qodob ee anjahada fadhigooda iyo qodobo ka so baxay dooda , iyaga oo maalinta bariyan u balamay inay ka doodaan qodobka ugu dambeeya kal fadhigooda sideedaad(8).
gobanimonews.com.office
hargaysa /somaliland.
mustafe herer