Sunday, October 26, 2014

Jaaliyada Somaliland Ee Ku Dhaqan Dalka Uganda Oo Dooratay Guddoomiye Cusub

Jaaliyada UgandaKampala(GNA):-Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Dalka Uganda ayaa waxaa Aqoonyahan ahna Ganacsade Maxamed Jaamaca Sugule loogu doortay guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Dalka Uganda.

Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay Dhinacyada kala duwan ee bulshada,hogaanada ugu sareeya Ardayda Jaamacadaha,Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dalka Uganda,waxgarad,Haween iyo Marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Waxaana furitaankii munaasibada ka hadlay guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee dalka Uganda Md:Maxamed Jaamac Sugule,waxaana uu ugu horeyn uu halkaasi uga mahad celiyey dhamaanba shacabka reer Somaliland ee ku nool dalka Uganda ee u doortay guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland,waxana uu sida oo kale uu ka codsaday tartamayaashii kale ee la tarmaayey ee uu kaga guulaystay Xilka loo doortay isaga oo ka codsaday in ay ku garab galaan xilka loo doortay oo ay wada shaqeeyaan.

"Waxaan aad iyo aad aan ugu mahad celinayaa dadkii ii doortay xilkan aadka u culus,waxaanan ka rajaynayaa in ay igu garab gali doonaan oo aad igu taageeri doontaan.Waxa kale oo aan fariin u dirayaa walaaladaydii aanu tartamaynay oo aan leeyahay walaalayaal kubadu waa bar cad iyo mid madaw midkeen ayuunbaa guulaysan lahaa anigu maanta hadaad iga guulaysan lahaydeen waan idinla shaqayn lahaa ee sidaydaas oo kale yeela ila garab gala hawshan, waanan idin soo dhawaynayaa"Ayuu yidhi guddoomiyaha Cusub ee Jaaliyada Reer Somaliland ee Dalka Uganda.

Md:Maxamed Jaamac Sugule oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu wax ka taabtay qaabka uu ku bilaabayo wada shaqaynta xidhiidhka Dawlada Somaliland iyo Jaaliyada.

" waxaanu xoogin doonaa xidhiidhka joogtada ah ee aanu la leenahay dowlada somaliland waad ogtihiin wasiirka arimaha dibada ee maanta joogaa wuxuu si fiican u garanayaa habdhaqanka dawlada east african ka ah in badan ayuu ka soo shaqaynaayay"Ayuu yidhi Md:Maxamed Jaamac Sugule.

Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay dad aad u tira badan oo isagu jira ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland oo halkaasi guddoomiha cusub uga soo jeediyey hadalo isagu jira dardaaran iyo talooyin wax ku ool ah,waxaana ay dhamaantoodba ay ka mara kaceen in Md:Maxamed Jaamac Sugule uu yahay shakhsiyad ku haboon xilka loo doortay,iyaga oo dhanaca kalena taabtay in u yahay shakhsi magac iyo sharaf ku dhex leh bulshada Somaliland eek u dhaqan dalka Uganda oo uu had iyo jeer ka shaqeeyo xidhiidhinta qaybaha kala duwan ee Jaaliyada.

Gobanimonews

London Office

Email: editor@gobanimonews.com