Sunday, October 26, 2014

Xildhibaanada muxaafidka ee Fadhiga Golaha ka muquurtay oo Dastuur jabin lagu eeddeeyay

[caption id="attachment_94270" align="alignleft" width="300"]Golaha wakiillada oo cod u qaadaya wasiirka xidhiidhka goleyaasha Golaha wakiillada oo cod u qaadaya wasiirka xidhiidhka goleyaasha[/caption]

Hargeysa(GNA)-Fadhi aan caadi ahayn oo u furmi laha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa baaqday, kaddib markii Kooramku buuxsami waayay.

Mudaneyaasha Muxaafidka ah ee ka soo horjeeda Guddoomiyaha Golaha ayaa ka muquurtay fadhiga oo aan ka soo xaadirin, taasoo dhalisay in tirada Kooramku buuxsami waayay.

Tiro ku dhow 20 Mudane oo dhinac Mucaaridka la safan ayaa ka soo xaadiray fadhiga oo ilaa 11:00 duhurnimo la sugayay inuu kooramku buuxsamo.

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee qorshuhu ahaa in lagu ansixiyo maalinta koowaad ee kal-fadhigan aan caadi ahayn ee labada Maalmood soconaya, ayaa iyaguna yimi xarunta Baarlamank si ansixiyo, balse markii ay arrinta goluhu noqotay gel-gelin loo kala baxay iska noqday.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro, ayaa s oo xidhay fadhiga maanta ee fashilmay. Mudaneyaasha ka soo xaadiray ansixinta Komishanka ee baaqatay, ayaa garabka kale ku eedeeyay dastuur jabin

“Isma hayaan Muxaarid iyo mucaafid ee waxa is haya laga garab oo xildhibaano ah. Umad yahay waxa is-haya Mooshin quutayaal Maskaxdooda lala leeyahay iyo xildhibaano xor ah”.sidaasi waxa fadhiga Golaha ka sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka mid ah Xildhibaanada Mucaaridka ah.

“Waxaa is haya Doorasho doon iyo doorasho diid, waxa ishaya xil-gudasho diid iyo xil-gudasho doon, waxa is haya Dimuquraadiyad doon iyo dimuquraadiyad-diid”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xildhibaan Xoog oo iftiimin ka bixinayay qodobka Dastuurka ee ay jabiyeen Xildhibaanada fadhiga ka muquurtay, ayaa yidhi “Mudaneyaasha ka soo xaadiri waayay Fadhiga aan caadiga ahayn ee aanu fadhino 30-ka mudane ee Kooramka soo buuxin waayay waxay jabiyeen qodobka 46 ee Dastuurka”ayuu yidhi .

Dhinaca kale, Xildhibaan Xasan Cawaale oo u hadlay dhinaca Mudaneyaasha fadhiga ka soo xaadiri waayay , ayaa warbaahinta u sheegay “ Guddoomiye fadhiisan mayso ilaa aad saxdo khaladka aad samaysay” ayuu yidhi Xasan Cawaale.

Si kastaba ha ahaatee xaalada Golaha Wakiillad ayaa u muuqata mid mindi-mindi ku taag ah, taasoo caqabad ku ah howl-gudashada xeer-dejinta dalka, isla markaana kashifaad ku keenaysa Baarlamanka tobanka sannadood aan la bedelin ee Khaatumo xumaysanaya.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com