Thursday, October 30, 2014

Dhuxul: C/raxmaan Cirro maaha Hogaamiye Wanaagsan”

Madaxtooyada oo u jawaabtay Baarlamanka iyo Mucaaridka Maalin Qaranku xusi lahaa 24-kii muwaadin ee ku dhintay qaraxyada..

Dhuxul_2-300x233Hargeysa(GNA)-Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleeban Dhuxul, ayaa ka jawaabay Eedeymo Mucaaridka iyo Mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiilladu ay u jeediyeen madaxtooyada oo ku saabsan arrimaha Doorashada.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Maanta Aqalka Madaxtooyada, ayaa waxa uu ku dhaliilay hanaanka maamul ee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaanu yidhi “ Cirro wuxuu maamuli kari waayay 82 Xildhibaan oo intii badnayd ka soo horjeesatay ee dal siduu u maamuli karaa”.

Dhuxul ayaa intaasi ku daray “ Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay doorasho qabsoonto, waxay Golaha Wakiillada u gudbisay Xeerkii Diwaan-gelinta, waxa ayaan daro ah in Guddoomiyaha Golahaasi uu guurtida u gudbiyey xeer aan ahayn kii goluhu ansixiyay”ayuu sii yidhi.

Afhayeenka ayaa shirka jaraa’id ku qabtay mid ka mid ah Hoolalka Madaxtooyada Somaliland oo lix sannadood ka hor Maanta oo kale Dhiig badani ku daatay Qarax ismiidaamin ah oo laga fuliyay goor barqo ah, iyadoo ay shaqadu socoto, kaasoo galaaftay nafo badan oo ay ku jiraan saraakiil Qaranka u adeegayay oo shaqada gacanta ku hayey intaanay saacadu ka dhamaan.

Laakiinse Afhayeenku tacsi umuu dirin, manuu dareensiin shacbiga murugadii maalintan oo kale Qaranku waajahay, kaddib markii 24 Muwaadin ku qudh baxeen saddexdii qarax ee isku daqiiqada dhacay, iyadoo ku beegnayd lix sanno guuradii ka soo wareegtay maalintaasoo ay dalka ka socotay Diwaan-gelintii codbixiyeyaasha ee la laalay, xumad doorashona sidan oo kale ay u haysay Mucaaridka iyo muxaafidkii cadaadiska shacbi haystay xilligaas.

Hase ahaatee, Mr. Dhuxul oo 29-kii October 2008,   ka mid ahaa wariyeyaashii u dhegaha nuglaa xisbiga Kulmiye, ayaa shirkiisa jaraa’id ku beeniyay inay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo faro-gelin ku hayso Baarlamanka, halkii laga filayay inuu tacsi u diro shacbiga dalka oo xusaya maalinta xusuusta badan kaga tagtay.

Waxa kale oo uu dhaliilay xubno ka mid ah Golaha Wakiillada oo eedeymo u jeediyay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com