Wednesday, October 29, 2014

Suldaan Maxamed C/qaadir: Muwaadinka Sifo sharci ah ku helay Dhulka Haloo baneeyo”

suldaan maxamedHargeysa(GNA)-Suldaanka Guud Suldan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay inaanay haboonayn in laga qayliyo dhul dawladdu leedahay, oo sifo sharci ah ay ku heshay shirkad waddani ahi, isla markaana wuxuu xusay in reer Faarax Xarbi ay deegaan ahaan waligood-ba ahaayeen Hargeysa, ee aanay ahayn reer Burco iyo reer Ceerigaabo toona.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka hadlay muran ka dhashay dhulka ay hadda ku taalo maktabada akhriska ee Gaandi ee Saldhiga dhexe dhinaciisa, oo hore u ahaan jirtay xaruntii madbacada xilligii Soomaaliya, kaasoo ay qandaraas ku heshay shirkada Al-xarbi.

Suldaanku isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu sheegay, inay dawladdu xaq sharci u leedahay maamulka dhulkeeda, isla markaana aanay haboonayn in qas iyo buuq laga abuuro baloodh dhul ah oo sifo sharci ah qof ku raacay.

Suldaanku hadal uu shalay warbaahinta siiyay oo uu arrinta dhulkaa kaga hadlay wuxuu ku bilaabay oo uu yidhi,”Had iyo jeer waxaynu aragnaa dhul dawladdu leedahay oo ay dad shacbi ah ka iibiso. Taariikhda reer Faarax Xarbi deegaan Burco iyo meel kale toona shaqo kumay lahayn, deegaankoodu waa Hargeysa. Guriyihii dawladda dadka ugu badan ee la siiyay, laga iibiyay waa reerka Subeer Awal la yidhaahdo, weli maan arag cid ka daba qaylinaysa oo leh maxaa looga iibiyay halkaa, maxaa loo siiyay halkaa, cidina kuma qabsato. Waxase la yaab leh waxa baloodhkan maxkamada sare dhismaha loogu dhisayo ee ay qandaraaska sharciga ah ku heshay shirkada Al-xarbi looga daba qaylinayaa, ilaa Wasiir ilaa biyatooni ay uga wada hadlayaan. Dadku miyay kala fadilan yihiin, dhulka miyay wada lahayn. Waxa u arkaa arinkaa mid khalad ah oo xaq daro ah. Waxaan leeyahay guriyihii faraha badnaa ee shacabka Hargeysa ee Daaraha dhaadheer laga wada dhisay, maalin qudha cid ka hadashay ma jirto, cid baana badi qaadatay, loogama xuma, lagamana hadal, sidaa aawadeed maaha baloodh muwaadin kale ku guulaystay in laga qayliyo. Waxa aanu ka war haynaa xitaa Wasiiradda Sacad-muuse inay soo fara galiyeen arrinta dhulkan yar ee maxkamada sare dhismaha loogu dhisayo ee shirkada Al-xarbi tartanka Qandaraaska ku heshay .”

Suldaanku wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Xukuumadda waxaan leeyahay dadka ha u xaqsoorto, oo muwaadinka sifo sharci ah wax ku hela ha loo baneeyo dhulkiisa. Haddii Maktabad loo baahan yahayna, halkani waa dhul yare, dhulkii loogu talo galay ee Madaxweynuhu dhagax dhigay oo kan ku soo laba laamaya ha laga dhiso, anaga ayaa ka qayb-galayna oo dadka ayaa ka qayb-galaya, Gaandina Oday Taariikh leh buu ahaaye ha loo bixiyo magaciisa. Muran yar oo aanay Sakaaro ka biirsana laga wacan in la isu daba yaaco" .