Tuesday, October 28, 2014

Habluhu waa walaalihiin, Haweenku sida hooyadiin..

Jamaal CabdilaahiWaxaa waayadan danbe soo shaac baxay dhaqamo aad u liita oo u foolxun oo budhcadnimo iyo fara xumayn xoog ah oo ay ku kacaan dhalin yaro kooxo kooxo ah kulana kacaan dumarka iyo hablaha labadaba runtii waa falal argagax leh markaad aragto gabadh yar oo labaatan wiil wada fara xumeeyeen isla markaana ay jidh dileen waxaa kale oo iyana kasii xun markaad aragto hooyo intaa in leegi ay wada fara xumeeyeen waliba si aan arxan lahayna u fara xumeeyeen.

hadaba waxaa is waydiintu tahay waa ayo dhalin yaradani? cid kale maaha waa dhalin yaradeenii waa inamadeenii aynu ku tabcaynay ee aynu u diyaarinaynay in ay bari kamaalin noqdaan madaxda wadanka iyo umadan ay fara xumaynta iyo budhcadnimada kula dhaqaaqeen.

hadaba waxaan is waydiinaynaa miyaanay gabdhani ahayn eiilashan walaalohood iyo kuway hiil kasugayeen xagay salaadu ka xidhmi waysay maxaa dhacay ma wiilashaa ah kuwo xaaran lagu dhalay oo aan nasabka gayn mise meel kalaa la inaga raacay, waxaan shaki ku jirin in meel kale la inaga raacay oo barbaarinta wiilasheena ayeynaan iska xilsaarin dabeeto way dayac meen waxay rabaana way ku dhaqaaqeen.

waxaad arkaysaa aabo aan haba yaraatee ubadkiisa ka warqabin cida uu saaxiibka la yahay iyo meesha uu joogo toona, waxaa iyana aan shaki ku jirin in tarbiyada dhinaca dugsiyada dawliga ah ay yihiin kuwa dhalinta ugu akhlaaqda xumi kasoo baxaan waayo lagama daba sheqeeyo xataa maadooyinka la barayaa maaha kuwa ka turjumahaya tarbiyad wacnaan iyo toosnaan macalinka barahayaa mahaa mid dhaqan ahaan iyo diin ahaan ay ubadku ku dayan karaan waayo waxaad arkaysaa macalinkii oo arday yaryar oo fasalka kowaad ah sigaar ku hor cabaaya bari ka maalina ciyaalku waxay is dhahayaan waa wax wacan waayo waakan macalinkiiniiiba cabahaya.

 

dhinaca kale dhalinyarada waxaynu leenahay waar hablaha aad fara xumanysaan waa walaalihiin wiil aan gabadh la dhalana ma jiro waana lahubaa wiilasha gabdhaha fara xumaynahaya hadii walaashii ama hooyada la faraxumeeyo inuu dagaal ka xigo oo aanu qaadanahayn.

walaal xumaanta aad maanta samaynaysaa waxay saamayn doontaa noloshaada oo dhan waxaa laga jari doonaa kuwaad dhasho ama aad la dhalatay amaba hooyadaa sidaa awgeed walal iska jir inaad ku dhaqanto ama aad samayso falalka noocan oo kale ah.

guntii iyo gunaanadkii waxaan idin leeyahay HABLUHU WAA WALAALIHIIN, HAWEENKU SIDA HOOYADIIN.

W/Q : JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)