Saturday, October 25, 2014

“Kulmiye Ma Cadaaladbaa Taalla Reerka Aan Ka Soo Jeedo Ee Arab Wasaarad Ayaa Loo Kala Jeexaye, Haddii Labadii Ka Horreeyey Loo Kordhiyey Maxaa Ku Jaban In Siillaanyo Loo Kordhiyo” Siyaasi Cabdi Haybe

 

“Qabo Miyaanuu Ahayn Ninkii Lahaa Siilaanyaan Maxkamad Saarayaa, Waxaan Leeyahay Xamil Xaaji …” Cabdi Haybe Maxamed

“Wakiilladu Toban Sanno Ayey Fadhiyeene Waa Inay Doorasho Galaan”

Wasiirkii (Gobaanimonews) -25-10- 2014 - Hore Ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe Maxamed,ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin, doorashooyinka, tabashada garabkii xaqsoor ee Kulmiye ku biiray, hankiisa siyaasadeed, goleyaasha baarlamaanka iyo arrimo kale oo wakhtgan taagan.

Cabdi Haybe Maxamed oo khadka telefoonka ugu warramay wargeyska saxansaxo, ayaa waxa uu waraysigaasi dhamaystiran u dhacay sidan:-

S:- Xaaladda guud e dalka ka waran ugu horrayn?

J:- Xaaladda guud ee dalka waxaan u arkaa inay iska wagash wagash tahay hadda, horta aqoonsigii iyo wixii la raadin jiray way dhamaatay, goor aqoonsi la raadiyo goor inoogu dambaysay anigu garan maayo, waana ta laga yaaban yahay waxa ku dhacay, dhaqaale urursi ayaa lagu jiraa, waatan waddankeenuu qunsuliyadaha laga furayo, taas oo ninki lahaana uu joogo Xamar.

S:- Waxa lagu muran san yahay doorashadu wakhtigeedii ma ku dhacaysaa mise ku dhici mayso, adigu maxaad taas ka aamin san taay?

J:- horta waxaad moodaa inuu xisbiga UCID yara bariiqday oo uu wixi khalkhal geliyey wakhtigi la lahaa ha dhacaan doorashadu oowabakan leh waxa dhici karta inay doorashadu wakhtigeedi ay ku dhici waydo, sida uu yidhi Xaaji faysal cali waraabe, ninkaasi arrinki muran ayuu geliyey hadana si kastaba ha ahaatee, waxaad moodaa in labadan garab ee u kala safan madaxweynaha iyo guddooiyaha, kuwaas oo leh xilkaanu ka qaadi donna, horta labadan gole mid sharci ku fadhiyaa ma jiro oo wakiladu 10 sanno ayey marayaan, kuwa kale ee guurtiduna waxa ay marayaan intii ay Somaliland jirtay oo odayaashi waxaaba bedelay ciyaal dhaxal ku wada yimid, waddanka in khalkhal la geliyo ma aha waa in wixii lagu heshiiyey la yeelaa, Haddii Labadii Madaxweyne Ee Ka Horreeyey Loo Kordhiyey In Madaxweyne Siillaanyo Loo Kordhiyana Maxaa Ku Jaban, aniga waxa ay ila tahay odaygu laba door inuu isasoo sharoxo xaq ayuu u leeyahay oo distoorka ayaa dhigaya, waa lala tartamayaa keligii ma ahee, haddii uu yidhihaado ha la I kordhiyo marka uu wakhtigu ka dhamaadana oo uu golaha wakiillada ku yidhaahdo idinku gala doorashada toban sanno ayaad fadhideene xaq ayuu u leeyahay, aniga waxay ila tahay guurtida beelaha ayaa keenaye waa in la kala diraa horta iyaga, ileen waxan hadda meesha jooga odayaashii way wada dhinteene ciyaal ayaa ka buuxa meeshiiye, qoladan wakiiladuna waa inay wakhtigan khasab ku galaa doorasho si kastaba ha ahaatee.

S:- taas macneheedu ma ta baarlamaanku ha soo horaysaa oo madaxtooyada muddo kordhin ha loo sameeyo ay kaga dambeeyaan?

J:- In la isku lifaaqo ma aha oo taasi waa jaafaa jiriq macneheedu, waana mar sadexaad ha naloo kordhiye ayey leeyihiin wakiiladu, marka haddii uu cudurtaarto odaygu (Madaxweynaha) oo u yidhaahdo waardee iga horgala doorashada toban sano ayaad fadhideene xaq ayuu u leeyahay, aniga sidaas ayey ila tahay.

S:- Xisbiga waddani waxa uu ka digaya inay doorashadu wakhtigeedii ay ku dhici wado sideed u aragtaa arrintaas, Guddoomiyhisuna Waa Guddoomiyaha Baarlamaanka?

J:- Horta nimanka baarlamaanka jooga ee xildhibaanada ah ee wakhtigan joogaa waa dheemaal oo waa lacag doon iyagu, waxan hadda la isku lisayaana waa dhaameelkii weeyaa, waana xaalad ay doonayaan inay lacag ku abuuraan, xisbiga waddanina wixii lagu heshiiyey inay dhaafto doorashadu maaha, laakiin haddii ay duruufo yimaadaan waa wax dhici kara inay dhaafto.

S:- Garabkii Xaqsoor ee ku biiray Kulmiye ee uu hogaainayey Maxamed Ibraahin Qabo, heshiskii ay xukuumadda iyo kulmiyeba la galeen way bureen sida ay sheegeen, ka waran arintaas ?

J:- Qabo miyaanu ahayn ninkii lahaa Siillaayo ayaan Maxkamadda Heeg geynayaa, marka horeba heshiis kumay geline iyaga oo durdurinaya ayey tageen meesha, maba jirin heshiis xaqsoor iyo xukuumadda dhex maraye xaqsoor waa la fadhataystay, waxa weeyaan bililiqaysi ayaa ka dhacaye ha xejistaan waxa ku dhacaya, cidna ma eersanayo ninkaas qabo.reerkayaga arab ahan marka aad eegto jilib jilib ayaa loo fadhataystay, waana la kala danaystay oo kolba gurub ayaa yaacay, qabana waxaan leeyahay ha xailan xaaji arintaas iyagaa doontaye.

S:- Hadaad Isbarbar dhig ku samayso xukuumaddii aad ka midka ahayd ee Daahir Rayaale iyo Xukuumadan Madaxweyne siilaanyo, maxaad ka odhan lahayd?

J:- Anaga xukuumadayadii dhaqaale may haynin, anagu wasiiradayadii afar ilyan oo shilin Somali ah ayaanu qaadan jirnay, halka ay wasiiradan hadda joogaa ay qaataan ug yaraan laba kun oo dollar, iyada oo imika caawimada toos oo siiyo Somaliland, aagana berigayagii ma jirin taasi, wax qabadkan ay ku faanaan kulmiyena adeer waxa ay hargeysaka ka saeeyeen dhagaxaantan giddaarada ay ku dhadhajiyeen weeyaan, waxa mashaariic la sameeyeyna bari ayuunbuu ahaa, marka aad ka soo qaado illa 50 ceel oo bariga la siyey, marka aad hawdka eegto hal ceel oo illaa lixdankii loo sameeyey ma jiro, waxaan leeyahay dadka looma cadaalad samaynin, beelo ayeynu nahay waan in cadaalad loo sameeyaa belaha.

S:-Hamigaaga Siyaasadeed ka waran wakhtigan?

J:- Hamigaygu hadda meelaba kuma jireen waanu daawanaynaa horta, marka ay dadkani hadlayaan waxaad moodaa inaanay maamulba soo arag oo hadda marka la qorayo ciidan boolis oo shidaalka illaaliaya dee ciidamada ayuunbaa laga soo xulayaaye mid kale ma aha, ciidankuna waa boolis, markaa ma aha ciidan cusub¸ laakin cidan afraad oo la samaynayaa ma jiraan, markaa weli waanu daawanaynaa.

S:- Xisbigii Kulmiye ee aad aasaasaha ka ahayd ma waxaad ka dooratay inaad dibadda ka joogto, maxaad gudaha ugu dhici wayday?

J:-Kulmiye ma acaaladbaa taalla Maxaan gudaha ugu dhacaa ma Xukuumadda reerka aan ka soo jeedo ee Arab wasaarad ayaa loo kala jeexaye, Caddaaladda iyo Awqaaftu waligeedba isku wasaarad ayuunbay ahayde, ma xaqbaa sidaasi.

Xigasho Wargeyska Saxansaxo

Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil

Hargeysa Office/Somaliland