Saturday, October 25, 2014

Somalia: Reysal-wasaaraha oo sameeyay Isku-shaandheyn saamaysay Wasiir awood badan lahaa

faraaxMuqdisho(GNA)-Reysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku shaandheyn kooban iyo magacaabis cusub sameeyay Golaha Wasiirrada xukuumadda.

Reysal-wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed, ayaa magacaabay Wasiir ku-xigeenno cusub, isku bedelna ku sameeyay Wasiirro xilalka hayay.

Isku shaandheynta Wasiirrada ayaa saameysay Wasiirkii Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Farax Sheikh Cabdiqaadir.

Wasiir  Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed hada loo bedelay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa waxa uu ka mid ahaa Wasiirrada aadka ugu dhadhow, isla markaana lagu tilmaamo baalasha siyaasadeed ee  Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Magacaabista Wasiirrada cusub iyo kuwa laysku bedelay waxa ku dhawaaqay Wasiirka Warfaafinta Mustafe Dhuxulow,waxaanay kala yihiin:

  1. Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka, Saalim Caliyow Ibroow

  2. Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed

  3. Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Maaliyada, Burci Maxamed Xamza

  4. Wasiir-u-dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda, C/llaahi Maxamed Nuur

  5. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda, C/raxmaan Cabdi Cismaan

  6. Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow

  7. Wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga, Mahad Maxamed Salaad

  8. Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha, Fahmo Axmed Nuur