
Madaxweyne ku xigeenka oo aan haba yaraatee wadan baabuurta Ciidanka iyo Askar marka laga reebo Taliyaha Ciidanak Ilaalada Madaxtooyada Gashaanle sare Axmed Cilmi Maygaag, ayaa kormeer kedis ah ku soo maray Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo uu markaasi ku sugnaa Wasiirka Wasaaradaasi Dr. Cabdi Aw Daahir, oo Madaxweyne ku xigeenka Xafiis kasta oo wasaarada ka mid ah soo mariyey ugana war bixiyey hawlaha shaqo iyo sida ay ka wasaarad ahaan ugu heegan ka yihiin dhalin yaro badan oo ka soo baxday jaamacadaha Dalka.
Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku soo kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo markaasi ay ka socdeen hawlo shaqo oo aad u baaxad badan iyo shirar kala duwan, waxaana halkaasi ku dhamaa masuuliyiinta wasaaradaasi, oo uu ugu horeeyo wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Maxamed Waran Cade, Wasiir ku xigeenka Amniga MudaneCali Maxamed Cali , Wasiir ku xigeenka Maamulka Gobolkada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi iyo guud ahaan shaqaalaha Wasaarada.
Madaweyne ku xigeenka oo sii wata hawlihiisa Shaqo ee la xidhiidha xogogaal u noqoshada hawlaha qaranka ay wasaaraduhu u hayaan ayaa waxa uu u sii gudbay wasaaradda Waxbarashada iyo Hay'adda Shaqaalaha oo ay soo dhaweeyeen masuuliyiintoodu.
Sidoo kale waxa uu Madaxweyne ku xigeenku soo kormeeray qayb ka mid ah goobaha ay ka socoto Diwaangelinta Muwaadinku, gaar ahaan Degmada Gacan libaax, halkaasoo uu kula kulmay muwaadiniin badan oo safaf ugu jira duwaangelinta muwaadinka, iyo shaqaalaha ku hawlan diwaangelinta.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa madaxweynaha war bixino ka siiyey sida ay howshu u socoto.
waxaanu madaxweynuhu ku hambalyeeyey shaqaalaha diwaangelinta meel ay joogaanba hawsha balaadhan ee ay qaranka u hayaan, shacbiga somalilandna waxa uu ugu baaqay inay ku dedaalaan inay noqdaan kuwo qarankooda metela oo buuxiya shuruudaha muwaadinimo isn a diwaangeliyaan si ay u qaataan kaadhka aqoonsiga muwaadinka ugana duwanaadaan ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku kuwa soo gelootiga ah ee aan u dhalan dalkeena.
Mid ka mid ah goobaha Diwaan-gelinta laga samaynayo, ayaa waxa maalmihii la soo dhaafay hakad galay shaqada, kaddib markii sida la sheegay laga jaray Adeega Korantada lacag lagu lahaa awgeed.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com