Monday, October 27, 2014

Berbera: Masuul dawladda xil ka haya oo Dhul ka qaaday 80 jir Itaal daran

“Madaxwayne, Waqtigii C/raxmaan Tuur, Waa tii Aynu Meel Wada Seexan Jiray” Waayeel Cabasho U Gudbinaya Madaxwaynaha JSL

JaahuurHargeysa(GNA)– Maxamuud Maxamed Xuseen (Jaahuur Curaagte), oo ah  muwaadin reer Somaliland ah ayaa  sheegay in dhul iyo hanti kala duwan oo uu ku lahaa magaaladda Berbera ay Maamulka Haamaha Kaydka  Shidaalka  ee Berbera xoog kagala wareegtay, isla markaana ay dayr ku wareejisay.

 

Maxamuud Jaahuur, oo warbaahinta soo gaadhsiiyay qoraal uu arrintaasi kaga cabanayo  waxa uu tilmaamay  hantidaasi ma guurtadda ah iyo dhulkaasi laga qaaday oo ku yaala meel u dhaw Haamaha kaydka shiidaalka ee magaaladda Berbera.

Qoraalkaasi cabashadda ahina waxa uu u dhignaa sidan:

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

U jeedo: Gudbin Cabasho Dhul

Mudane Madaxweyne, aniga oo ka mid ah odayaasha gobolka Saaxil ee Berbera, magacayguna yahay Maxamuud Maxamed Xuseen (Jaahuur Curaagte) waxaan halkan kuugu soo gudbinaya arrin aan kala maarmi waayay in aad ogaato ka dib markaan waayay cid mas’uul ah oo ka sokaysa iga dhegaysta igana qanciisa arrinta waana sidan:

  1. Waqtigii C/raxmaan “Tuur” waa tii aynu meel wada seexan jiray aniga, adiga iyo Suleymaan Maxamuud Aadan (Guddoomiyaha Guurtida) ayadoo aynu ku hawlanayn ama ku jiray dib u heshiisiintii Somaliland ee beelaha beriga, horena si wacan baynu isu naqaanay oo hawlo guud ee dalka ka wada shaqaynay.

  2. Waxaan magaaladda Berbera ku lahaa dhul ii cashuuran, dhisan, sharcigiisu ii dhan yahay oo dhisme, biyo  iyo berked iyo seesba leh ku lahaa Berbera mudo ka badan 31 sano. Dhulkaas maamuladii kaa horeeyay laga soo bilaabo Tuur ilaa Rayaale cidi iguma soo weerarin wax aan is idhaahdo ma gaydidna ilma soo doonan.

  3. Waxaa nasiib daro iyo qaadan waa noqotay in maanta Dawladda aad hogaamisa dhulkaygii iga qaaday  dayr ku wareejisay  ogaysiin la’aan ayagoo ku andacooaya waxa leh dhulka Haamaha Keydka oo aan ii dhoweyn, weligoodna meesha aan  aniguna  degana, meeshayda. Qaynuunka islaamka iyo diinteena, kan caabka iyo kan dalkeena waxaa ku taal in la ilaaliyo hantida dadka iyo naftoodaba ay u helaan nabad iyo deganaansho hase yeeshee, iska qaata oo booba lama arag lamina maqal meelay sharciga kaga jirto. Waa xadgudub xuquuqdii qofka ku ah, gef xanuun badan marka inta hantida la dhaco aad weydo cid dacwad ka dhegeysata ama u dacwootaba.

  4. Waxaan ergo u dirtay saaxiibkeen Sulaymaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Guurtida jawaabtii iiga timidna waxay noqotay ha ii keenina Jaahuur oo aan iga qabanayn kana filayn ergada Suleymaan waxaan ula jeeday oo kale in si fudud oo dareen lahayn aad u ogaato dhibtan si haboona loo xalayo  arrinta mase noqon waana nasiib daro.

  5. Haddii dawladu dhulkaygaas dan guud uga baahato, waa arrin dhaca, has yeeshee dawladda arrimaha noocaa iskama boobto ee waxay qofka siisa xaqiisa wax u qalma, aniguna taas haddii ay jirtay waan aqbalayaa, waxaase aanu aqbalayn ama aqbali doonin in layska dayrto hantidayda iyadoo aan laygu qancin iib ama wax la mid ah oo hantidaydaas u dhigma.

  6. Waxaan Madaxweyne kaga baxaya hadalkan in si adag loogu fiirsado mas’uuliyinta qaranka ee shacbiga iyo dawlad ooda ka dhex aburaya nacaybka iyo fidnada ayaa la’aanta u horseedaysa.


Allaa Mahad Leh

Qore Maxamuud Maxamed Xuseen (Jaahuur Curaagte) Hargaysa