Monday, October 27, 2014

muranka wakiilada oo cirka isku shareeray iyo mudanayaashii maanta maqnaaday oo soo saaray war saxaafadeed ay ku sababeeyeen arintooda

Hargaysa(GNA).Annagoo isla qirnay xeerka WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007

halkan ka khri war saxaafadeed ay ku saxeexan yahiin 50 mudane.

UJEEDDO: SHIRKA AAN CAADIGA AHAYN EE GUDDOOMIYUHU KU BAAQAY SABTIDA 25 OKTOOBAR, 2014

Guddoomiye,
§ Annagoo ah xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL ee magacyadoodu hoos ku saxeexanyihiin
§ Annagoo tixraacayna go’aankii Golaha Wakiilada JSL ee fadhigii qabsoomay maalintii ay taariikhdu ahayd 30ka September, 2014 halkaasoo 64 Mudane cod gacan taag ah ku oggolaadeen laguna ansixiyey Xeerkii Xukuumaddu soo gudbisey ee WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007 oo lagu lifaaqay qoraalada kala ah:
o Qoraalkii heshiiska ahaa ee Madaxweynuhu golaha u soo gudbiyey,
o Talabixintii Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada, iyo
o lifaaq go’aamo ah oo Goluhu isla qaatay
§ Annagoo isla qirnay xadgudub lagu sameeyey go’aankaas kor ku tilmaaman ee WAX-KA-BEDDELKA



IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007 iyadoo markii xeerka loo gudbinayey Golaha Guurtida tirtiris, wax ka beddel iyo wax ku daris aan goluhu isla oggolaan lagu sameeyey.
§ Annagoo isla qirnay xeerka WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007 inuu muhiim u yahay hawlaha dimoqraadiyadda iyo muwaadinimada.
§ Annagoo tixrgelineyna ku dhaqanka Dastuurka JSL iyo Xeer hoosaadka Golaha oo labaduba tilmaamaya in Golaha Wakiiladu u gudbin karo Golayaasha Guurtida iyo Xukuumadda wixii goluhu go’aansaday.
Haddaba, asbaabaha aan soo sheegnay dartood waxaanu soo jeedineynaa in la hakiyo shirka aan caadiga ahayn ee Guddoomiyuhu ku baaqay 25ka Oktoobar, 2014 ilaa inta laga saxayo WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007.
Halkan Hoose Ka Daalaco