Saturday, October 25, 2014

Somaliland:Qaxa dhallinta iyo qorshe la'aanta waalidka!!

Qorre: Cabdicasiis Ibraahin Ciise { Daacad }

somaliland handWaxaa naxdin, yaab, amakaag iyo fajiciso ah dhallinyarada maalin walba Suudalaysa ee ka socdaala waddankan leh xasiloonida iyo deganaanshaha, kuwaas oo ku biimeeya naftooda kuna halliga baddaha iyo saxaraha, isla markaana ka door bidaya guriyahoodii, furaash yadoodii iyo qolol koodii raaxada badnaa, doon yar oo bac ah.

Tani maaha wax Ugub ah, waayo waynu aragnaa, maqalnaa isla markaana la kulannaa dhacdooyinkan dhibka leh ee maalin walba ay la kulmayaan dhallinyaradu oo ah xoogageena, aqoonteena, iyo aragtideena oo aynu dayacnay, isla markaana aynaan wax dan ah ka galayn, taasina waxay sababtay inay dhallinyaradu cadaawad u qaadaan cid kasta oo mas’uuliyaddoodu madaxa ka saarnayd, kadibna ay ficil iyo kas u suudalaan.

Waxaynu ka warqabnaa inta dhallinyar wax u baranaysay qoysas danyar ah oo ku haligmay baddaha, inta ku saxariirtay saxaraha iyo inta ku dhiban kuna dhalandhoola waddamo ayna lahayn oo gumaysi iyo madax kaga istaag lagula dhaqmayo, inta dhalinyar kale qalbi ka dhoofka ah ee waddanka ka fikir iyo fool jeedda isla markaana naawila wararka uga imanaya dhallinta facooda ah ee iyaga ka horeeyay.

Si kasta ha ahaatee waxay leeyihiin Xukumad iyo Waalid dhalay, jecel waxtarkooda iyo kobocooda, isla markaana aan la yeelan kulamo ay wax ku waydiiyaan baahida ilmahooda iyo waxa ku soo kordhayba, taasina waa ta keentay inay cadaawad dhaw u qaadaan labadaba, sababtoo ah waxayna haysan cid ka hadlisa kalana sheekaysata baahiyahooda ay qabaan, ugana cawdaan iyadoo taasina dhalinaysa inay iska calool adaygaan, raadiyaanna sifada ugu sahlan ee ay tan uga gudbi karaan, jawaab celinta taasina waxay noqonaysaa inay sameeyaan kuna kacaan falkan suudalka{tahriibta} oo ay ka dhigteen waddada kaliya ee ay ku badbaadayaan kagana soo kabanayaan dhibta ka haysata waddanka.

Cabashadoodu maaha shaqo la'aan, maaha tacliin la'aan mana ahan tabcasho la'aan, ee kaliya waa taageero la'aan ay ka tabeyaan xagga waalidkooda iyo cid kasta oo ay tabashadooda u gudbiyaan waxna kala qaban karta, waalidku waa tamarta koowaad ee ilmaha kaas oo taladiisa iyo tusaalihiisaba uu ku shaqeeyo ilmuhu kagana gudbi karo dhib kasta oo soo food saarta.

Hadaba haddii aynu ognahay kaalinta waalidku kaga jiro ilmaha iyo dhibaatadan suudalkaba maxay tahay taladiisu? waxay tahay inuu ilmaha garab taagnaado meel kasta iyo heer kasta oo uu ilmuhu marayo, isla markaasna uu talo iyo tabaabushe ba la dhinac istaagnaado.

Sababtoo ah dhibka ugu badan waa ka soo gaadhsiinaya ayaan qabaa ilmahan tahriibaya maxaa yeelay wuxuu ka daba dirayaa lacag cadadkeedu badan yahay oo ilmaha hadduu halkan ku siin lahaa wax yaabo badan u tari lahayd mustaqbalna ku dhisan lahaa, hadduu masalan halkan isagoo jooga uu waydiisto waxaa 99.5% hubaal ah inaanu siinin, ama uu ka il duufo dhayalsadana baahida ilmihiisa, taasina waa ta keentay in ay ka fikiraan nolosha ilmahooda markay Suudalaan.

Haddaynu doorka waalidka oo aan la soo koobi karayn halkaas kaga nimaadno waxaa jirta qolyo kale oo soo raaca kuna lug leh dhibaatadan dhallinyarada soo food saartey, waa dawladeena oo aan ka lahayn wax qorshe iyo dan ah oo ku aadan dhallinyarada waddankeeda sababtoo ah dhallinyaradu waa xoogga iyo tamarta waddan uu leeyahay, waana awooda kaliya ee laysugu faano laguna taamo Caalamka.

Haddaynu soo qaadanno maanso uu lahaa AHU Abwaankii waynaa ee Cali Sugulle Cigaal { Duncarbeed } oo tuducyo yar oo ku jiray ay ka mid ahaayeen:

---------------------------

Gudin Daab La'aantii

Miyay Dogobbo Goysaa?

Diric Keli Ahaantii

Daleel Guusha Kama Helo

Dadkaa Geesi Lagu Yahay.

Haddaad u fiirsato ama dhugato aadna u fahanto ereyadan iyo qiimahay ku fadhiyaan waxaad ka dhadhansan kartaa sida ayna dawladdu u noqonayn keligeed dawlad ee ay dadkeeda ku tahay dawlad siiba dhallinteeda ayaan uga jeeddaaye, dal kasta oo dunida ku yaal min dacal ilaa dacal wuxuu ku taamaa kuna tabcaa, kuna tartamaa waa dhallintiisa haddaanu qiimaha dhalintiisa ku faanin kuna faro adkaan waxaad ogsoonaataa in aanu dal dal noqonahayn.

Marar badan waxa aynu aragnay iyadoo lagala talinayo dhallinyarada tahriibta tix iyo tiraabba haddana wax ku qaadashada ayaa laga daciif yahay, taasina waxay dhalisay in ay sii badatay haligaadda iyo biimaynta nafaha masaakiinta ah ee dhallinyaradeena.

Haddaan soo qaato tallooyinka ay maanso yahanaddu siiyaan dhallintan suudalaysa ayaa waxaa ka mid ah,

Hogo tusaalayn uu Maxamuud Tukaale Cismaan ina siiyey oo ahayd:

---------------------------

Haka dayrin waligaa

Noloshaad la daris tahay

Ha u doodin waligaa

Mid kaloo ku dayasho ah.

----------------------------------

Waxa uu abwaanku inoo sheegayaa sida ayna noloshu ugu wanaagsanayn ku dayashada iyo daba raaca mid dhalanteed ah, kaagana wanaagsan tahay hiigsigeedu ta aad iminka haysato ama ku dhaqantahay, abwaan Mohamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) oo isna ka maansooday inay ka wanaagsan tahay inaad Paris tagto iyo Bon inaad Dalkaaga ka bogoto kala baratidna dheeftiisa iyo dhaqaalihiisaba isna wuxuu yidhi :

---------------------------------------

Adigoon Cirka u bixin

Ama boodin leexada

Ama baddaha waawayn

Nafta aan ku biimayn

Baariis adoon tegin

Ama boon ka sheekayn

Barashada dalkaagaa

Horta laga bogtaayoo

Baladkaaga hooyoo

Beryo laysku hawlaa

----------------------------------

Hoga tusaalaynta iyo talooyinka ay abwaannada iyo qaybaha kala duwan ee bulshaddu u jeedinayaan dhallinyarada caadaysatay suudaalku intan kuma eegka, ee way ka badan yihiin sidaa awgeed intaan qoraalkan ku haleelay ayaan idin soo gaadhsiiyay waxaanan talo ku soo jeedinayaa inay waaliddiintu ogaadaan kana war hayaan tabashada ilmahooda oo ah daawada koowaad ee tahriibta, xukumadda waxaan u jeedin lahaa inay qorshe ka yeelato damiirkeedana geliso in ay dhallinyaradu tahay ta kaliya ee ay dawladdu wax ku tahay. Maqaallo tiro badan waa laga sameeyay in aan taabtay iyo in kaleba waa lagaga hadlay waxaan ku soo gebagabaynayaa suudaalka aynu ka waantoowno ka dhallinyaro ahaan, waadna mahadsantihiin dheegtayaal.

Cabdicasiis Ibraahim Ciise { C.Daacad}

Abdiasisdaacad@gmai.com

Hargeysa Somaliland