Saturday, October 25, 2014

Mourinho: Diego Costa Fursad Yar Buu U Haystaa Inuu Wajaho Manchester United

Tababaraha kooxda Chelsea, Jose Mourinho ayaa sheegay in weeraryahanka naadigiisa ee Diego Costa uu fursad aad u yar u haysto inuu ciyaaro kulanka Sabtida ee ay Old Trafford ugu baqoolayaan kooxda Manchester United.

493181_heroa-620x360

Costa ayaa mugdi badani hadheeyey kulamada uu safan doono kadib dhaawaca muddada dheer uu u ildarnaa ee ka haleelay muruqa bawdada kaas oo ka reebay ciyaarihii kooxdiisu la yeelatay kooxaha Crystal Palace iyo Maribor.

Waxaa xaalada sii cakiray markii weeraryahankan reer Spain dhakhtarka loo dhigay Virus haleelay todobaadkii hore , wararka Jimcihii soo baxayayna waxay sheegeen in xidiga xaaladiisu ka sii dartay oo aanay suurto gal ahayn inuu safan karo ciyaarta Man United , laakiin tababaraha kooxda The Blues ayaa xusay in gooldhaliyihiisu laga yaabo inuu qayb kamid ah ciyaari karo kulanka ay ka hortagayaan naadiga tababare Luis Van Gaal.

“Wuxuu tagay cusbitaalka oo xaalado dhawr ah laga baadhayay, habeenkiina halkaas ayuu ku qaatay ka horeeyey ciyaartii Maribor,” Ayuu Mourinho saxaafada ku yidhi.

“Diego Costa wuxuu haystaa fursad, Mid aad u yar. [Loic] Remy isagu fursad ma haysto. Ka kaliya ee aan xaqiijin karo inaanu fursad u haysanin.