Sunday, October 26, 2014

Daawo Salaadiinta Iyo Waxgaradka Degmada Lughaya Oo Xukumadda Siilaanyo Ku Eedeeyay In Ganacsade Kooto Loogu Xidhay Soo dejinta iyo Dhoofinta Dhaqdhaqaaqa Ganacsi Ee Degaankaas

Lughaya-(GNA)-Madaxdhaqameed iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda Degaanka Lughaya ee Galbeedka Somaliland, ayaa Xukumadda ku eedeeyay inay halkaasi saartay Cuno qabatayn dhanka ganacsiga islamarkaana Ganacsade ina Aw-siciid oo kali ahi wax keeni karo.


Salaadiinta iyo waxgaradka wehelinayay ayaa Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Boorama waxay arin argagax leh ku tilmaameen isku dhac dhex maray dadka degaanka Lughaya iyo Ciidanka “Arinta dhacday habeen hore ee dad xoolahoodii soo xaraystay oo Abaari hayso xabbad lagu bilaabay ee Maalkiina wax dhintay iyo wax duurka galay noqday, Dumarkii iyo caruurtiina saseen kamaanaan filayn Maanta Dawladda Somaliland” ayaa ka mid ahaa hadalka Salaadiinta.

Suldaan Abshir Maxamed Ducaale, oo Shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa isna sheegay in Hay’addo badan oo Dawladda ka mid ah lagala hadlay kootada dhanka ganacsiga ah ee degaanka Lughaya “Wasaaradda Maaliyaddaa loo tagay,anagu shaqo kuma lihin bay yidhaahdeen,wasaaradda Ganacsigaa loo tagay,Wasaaraddii ganacsigu waxay tidhi meeshaa ina Aw-siciid oo qudha ayuun baa wax ka dhoofin kara, waxna ka soo dejin kara.waa wax lala yaabo.waxaan leeyahay reer Lughaya,waar meeshaas yari waa intaad ku noolaydeen oo idinku dayn maysaane rasaastu ha idin ku dhacdo.

Waxa weeye Madaxweyne xigeenka waa loo tagay,hadal saafi ah ma odhan,Madaxweynaha uun baanu u malaynaynaa inaanu arinkaas maqal,madaxweyne xigeenkuna wax kama tarin oo ina Aw-siciid uun buu noola mid yahay.waxaanu leenahay Madaxweyne waxaasaa jira,dadkaagu kuma necba ee waa lagugu dirayaa,waxaan leeyahay waxaas wax halaga qabto,madaxweynena haddaanad hore u maqal waanagaas kuu sheegnay” ayuu yidhi Suldaan Abshir.

“Cunaqabatayn gooni ah weeye Siilaanyoy waxa halkaas ka socda, raggaas baana ka masuul ah,haddaanad Ogayna Agoow,si degdeg ahna wax uga qabo” ayaa sidoo kale hadalkooda ka mid ahaa.

http://youtu.be/9bAuBjL3MoI

Gobonimo News

Borama Office