Friday, October 24, 2014

Dawladda oo raashin mucaawimo ah gaarsiisay Degmada Baraawe

Baraawe_6Baraawe(GNA)-Xukuumadda Somalia ayaa gargaar gaarsiisay  Dadka ku dhaqan Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Baraawe ayaa bishan laga wareegay Ururka Alshabab.

Sida laga soo xigtay saraakiisha dawladda iyo dadka deegaanka lix gaari oo kuwa xamuulka qaada ah oo siday mucaawimooyin halkaasi gaareen.

Gaadiidka mucaawimada qaaday  waxa ammaankooda  sugayay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo ay la kulmeen intii dhexda ku sii jireen.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Somalia ayaa sheegay in gargaarkan loogu talogalay dadka degmadaas ku nool, kuwaasoo ay xuseen inay dhibaatooyin badan qabeen ka hor intii aysan dowladdu gaarin halkaas.

Shixnada mucaawimada ah ayaa waxay ka koobantahay raashin isugu jira  Briis, Bur iyo saliidda  cuntada.

Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Baraawe ayaa sheegeay inuu amniga degmadu uu aad wanaagsanyahay  gargaarkanna shacabka degmada oo dhan loo qaybin doono.

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku tegay Magaalada Baraawe todobaadyadii la soo dhaafay ayaa shacbiga deegaanka u balan qaaday in gargaar deg deg ah la soo gaarsiin doono.

Dhinaca kale, Saraakiil ka socda qaramada midoobay qaybteeda amniga ayaa gaaray degmada baraawe dhowr maalmood ka hor.

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com