Thursday, October 30, 2014

Burco: Maamulka Gobolka oo dhagax-dhigay Kayd-biyoodyo baahi loo qabay

index.jpg268Burco(GNA)-Maamulka Gobolka Togdheer,Maamulka Degmada Burco,Madaxda wasaarada Biyaha iyo wakaalda Biyaha ayaa siwada jir ah u dhagaxdhigay lix taangi oo kayd biyoodo ah oo ay yeelan doonto Magaalada Burco.

Mashruucan waxa fulinaya Wakaallada Biyaha ee Magaalada Burco oo kaashanaysa wasaarada Biyha ee Xukuumadda Somaliland.

Maareeye ku xigeenka wakaalada  Biyahaya Faarax Cali yuusuf oo ka hadlayey xaflada dhagax dhiga ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimada Kayd-biyoodyadani ay u leeyihiin Bulshada Magaalada, waxaanu sheegay inaanay Burco Biyo yaraan danbe ku iman doonin taangiyadan kaydkuna ay Magaalada anfaci doonaan.

Badhasaabka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo dhagaxdhigaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Mashruucan biyood oo wax weyn ka tari doona baahidii dhanka biyaha ee Magaalada ka jirtay.

Waxaanu yidhi''Burco waxay ku cabi jirtay beebkaas ay daynabadu ka shaqaysiinayso oo hadii ay daynabo xumaato umadu way biyo beeli jirtay,hadana waxan filayaa inay sanadkani intaanu dhamaan waxaan filayaa in ay inoo dhaman doonaa lix taangi oo kayd biyood ahi nasana doonaan daynabooyinka ceelasha biyaha inooga soo saaraa waayo Todoba iyo toban saacadood bay mishiinadu shidan yihiin hada,waxaanaynu helaynaa biyo kayd ah”.
Maayarku xigeenka Magaalada Burco Muxumad Xasan Jaamac(Xoday) oo Faahfaahin ka bixinayaa Taangiyadani ayaa waxa uu yidhi''Burco xaga Biyaha hodan bay ku ahayd,waxaa kaliya oo inaga dhinaa inaynu yeelano kayd,kaydkii baynu hada wadnaa,tanina waxay ka mid tahay qorshayaashayadii sanadkan,waana gabagabo qorshayaashii anu sanadkan ku talo galay'ayuu kaga baxay M/ku xigeeenku.”
Isu duwaha wasaarada Biyaha Gobolka Togdheer Rasiidh Faarax Cabdi ayaa sheegay in mashruucan aya iska kaashadeen Dawlada hoose iyo wasaarada Khayraadka Biyaha,waxaanu sheegay in ay yihiin laba taangi oo la dayactirayo iyo Afar Cusub oo la dhisayo.

Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews

Burco Office

Email: axmedmm9@hotmail.com