Saturday, October 25, 2014

Khubaro Saadaalisay Natiijada Ciyaarta Clasico Ee Berri Iyo Sida Goolasha Loo Kala Dhalin Doono.

 

Xamaasadda ciyaarta Classico ee berri dhex mari doonta labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa laga dareemayaa daafaha dunida, waxaana laga sii bixinayaa saadaal la xidhiidha natiijada ciyaarta iyo waxa ay ku dhamaan doonto.

 

Khubaro wax ku qora Bleacher Report ayaa waxa ay saadaal iyo falanqayn qoto dheer ku sameeyeen ciyaartaas, waxaanay intooda badani isku raaceen in ay Real Madrid badin doonto kulanka, laakiin waxa lagu kala duwanaaday cidda goolasha u dhalin doonta labada kooxood.

41fc5cdaeda017b176e5c65ca8cd9fb0_crop_north-554x360

Alex Livie: Real Madrid 2-1 Barcelona

 

Alex Livie oo ah khabiir caan ku ah falan qaybta ciyaaraha, ayaa sida ay Bleacher Report qortay sheegay in ay Real Madrid 2-1 ku karbaashi doonto Barcelona, waxaanu intaa raaciyey in goolka koowaad uu u dhalin doonto Cristiano Ronaldo.

 

Alex falan qaybtiisa waxa uu ku sheegay in kulankan uu ka maqnaan doono Gareth Bale, laakiin uu ciyaari doono Luis Suarez oo safan doona kulankiisii ugu horreeyey ee uu u ciyaaro Barcelona, nasiibkuna ku beegay kulanka xamaasadda badan ee Clasico.

 

Karl Matchett: Real Madrid 3-2 Barcelona

 

Karl Matchett waxa uu isaguna sheegay in ay ciyaartu ku dhamaan doonto 3 gool oo ay Real Madrid dhalin doonto iyo 2 ay la iman doonto Barcelona, waxaanu xusay in goolka koowaad ee kulanka uu dhalin doono Cristiano Ronaldo.

 

Ronaldo ayaa waxa uu sheegay in uu noqon doono ninka koowaad ee gool ka dhaliya Claudio Bravo oo tan iyo intii uu Barca yimi aan wax gool ah laga dhalinin.

 

Sam Tighe: Real Madrid 2-2 Barcelona

 

Sam Tighe oo isna ka tirsan khubrada ciyaaraha falan qaysa ayaa ka fikir duwanaaday khubradii hore, waxaanu sheegay in ay ciyaartu ku dhamaan doonto barbar dhac Real Madrid 2-2 Barcelona.

 

Luis Suarez oo kulankiisii u horreeyey u ciyaaraya Barca, ayaa waxa uu sheegay Sam Tigher in uu dhalin doono goolka koowaad ee ciyaarta.

 

Will Tidey: Real Madrid 2-1 Barcelona

 

Will Tidey waxa uu isaguna sheegay in ay Real Madrid ku badin doonto 2-1, iyadoo uu goolka furitaanka ciyaartana dhalin doono Karim Benzema.

 

Will waxa uu intaa raaciyey in bilowga ciyaartaba ay Real Madrid heli doonto labada gool, halka Barcelona ay goolkeeda dhashan doonto wakhti dambe.

 

Michael Cummings: Real Madrid 2-2 Barcelona

 

Michael Cummings ayaa waxa isaguna saadaashiisa ku sheegay in ay ciyaartu ku dhamaan doonto barbar dhac 2 iyo 2 ah, waxaana goolka koowaad halin doona ninka gool-dhalintiisa laga yaabban yahay ee Cristiano Ronaldo.

 

Jerrad Peters: Real Madrid 4-1 Barcelona

 

Khabiirka Jerrad Peters, ayaa bixiyey saadaal ka fog dhamaan intii hore marka la eego goolasha uu saadaaliyey in la kala dhalin doono, waxaanu sheegay in ay ciyaartu ku dhamaan doonto Real Madrid 4-1 Barcelona.

 

Karim Benzema ayuu khabiirku sheegay in ciyaarta wacdaro ka dhigi doono, isla markaana uu saxeexi doono goolka furitaanka.

 

Alex Dimond: Real Madrid 2-1 Barcelona

 

Alex Dimond ayaan isna ka baydhin saadaashii ay bixiyeen qoladii hore, waxaanu sheegay in ay ciyaartu ku dhamaan doonto Real Madrid 2-1 Barcelona.

 

Alex waxa uu intaa raaciyey in goolka koowaad uu dhalin doono Lionel Messi, sidaana uu ku jebin doono rikoodhka gool dhalinta horyaalka Spain.