Saturday, October 25, 2014

Farriimo Khal Khal Geliyey Bulshada Reer Somaliland Ee sticmaasha Telefoonka Gacanta

 

 

Farriimo Khal Khal Geliyey Bulshada Isticmaasha Telefoonka Gacanta

Farriimo (Gobanimonews) 25-10-2014-kala diwan oo ku soo dhacaya telefoonada facanta ee Bulshadda reer Somaliland Isticimaalo, ayaa khal khal geliyey bulshada, kuwaas oo ay qaar ka mid ah dadka ay soo gaadheen fariimahaasi na soo gaadhiisyeen, ka dib markii ay ka shakiyeen.

Fariimahan oo ah kuwo qoraallo kala duwani ay ku qoran yihiin, isla markaana laga soo dirayo lambarro kala duwan, ayaa dareen ka dhex abuuray dadka ay soo gaadheen iyo bulshada inteeda kaleba, waxaanay fariimahi ku soo dhacayaan khadka telesom dadka sita.

Qaar ka mid ah fariimaha loo soo diray dadka oo na soo gaadhsiiyey, ayaa waxa ay u dhignaayeen sidan;-

“Walaalkeyga guuleystayoow waxa ku sugaaya guddoomiyaha baanka Somaliya” waxa sidaasi lagu lagu yidhi No:+231332593376.

“Booqashaddada waxa laga sugayaa madaarka Muqdisho kanina waa mid ka mid ah numberadda fariimahan yaabka leh dadka looga soo diraayo waana” No:+231259352.

Mid Kale Oo Ka Mid Ah Fariimaha Argagax Gelinta Oo Mid Ka Mid Ah Suxufiyiinta Ka Hawlgala Wargeyska Saxansaxo Mobilkiisa Loogu Soo Diray Waxa Ay Fariintaasi Aheyd “Dingiinta Hore , Hadda Iga Soo Wax” +2431230573.

Fariin tanina waa mid kale oo noocyadan dadka lagu khalkhalinayo, waxana loo soo diray sidan “Si dhakh so ah iga soo wac” waa No: 00248980202.

Tanna waa fariin kale oo loo soo diray mid ka mid ah bulshada somalilandm waxaanay u dhignayd sidan“0048700001384, si dhakhso ah ii soo wac”

 

Xigasho Wargeyska Saxansaxo

Wariye : Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com

Gobanimonews/Hargeysa Office/Somaliland