Wadooyinka uu Affarta mujaahid ugu magac daray waanu ka jaridoonaa,
Waayo waa nidaam qabiil oo uu maayirku soo xushay waxay ahayd inuu si dhex u qaybiyo gudina u saaro,

Hadaba waxa khilaafkani uu kala saaray hanaanka iyo nidaamka ay u wadaan xildhibaanadani iyaga oo aan ka sanayn nidaamka ay u wadaan mooshinka balse uu nin walba aragti gaar leeyahay iyaga oo aragtidooda kala gadisantahay islamarkaana ay tahay mid aan midaysanin balse uu mudane kastaaba uu leeyahay han ka duwan kuwa kale.
Hadaba xildhibaan Dogax ayaa isagu intii ay socdeen hadalada ay ku dhaliilayaan maayirka caasimada waxa uu daaha ka qaaday dulucda ku daahan ee ku qarsoon nidaamka mooshin ee uu ku wado maayir Soolteeko kaas oo marka aad u dhuun gasho laga dareemaayo mid ku salaysan nidaam caadifaydaysan oo qabiila sida ka muuqata hadalo uu maalintii sababtidii ka yeedhay afkiisa mar uu ka hadlaayay shir jaraa,id oo ay isaga iyo guruubkiisu ku qabteen hotelka Dalxiis ee magaalada hargaysa xildhibaan dogax ayaa waxa mar qudha ku dhawaaqay in aanu marnaba raali ka ahayn Wadooyin ay golaha deegaanka Caasimadu ugu magac dareen mujaahidiiintii SMN Qaarkood kuwaas oo dhamaa Affar(4) wado waa sida uu maayirka caasimadu ku dhawaaqaye hadaba bal aan dhugano hadaladii xildhibaan Dogax,
,afarta wado ee uu ugu magac daray waxay ahayd hadii uu dhex yahay inuu gudid u saaro soo magac bixinta wadooyinka ma diidani laakiin haduu yeeliwaayo arintaayada waanu ka jaridoonaa boodhadhka yar yare e uu meelahaasi ku dhejiyay, maaha kuwo xaqa waxay ahayd in si saxa loo qaybiyo,
Dhinaca kale xildhibaan dogax ayaa shaac ka qaaday in aanu marnaba raali ka ahayd maayirnimada Soolteeko waxaanu yidhi sidan.
,marnaba kugu raacidoono waxaad rabto markii horana raali kaamaan ahayn hadana kaa noqon mayno horaad sharcidaro ugu timi kursiga, waxaad ahayd faqiir maantana sheebadaha ayaa lacag iyo doolar ka buuxsatay xageed ka keentay ?
Hadaladaasi iyo kuwo kaleba oo la mida ahi waa hadalo ka soo yeedhay afka xildhibaan Saleebaan Dogax waxayna marka aad dhan dhansato kaaga dha dhamaaya inay mooshinka dogax ku salaysan yahay nidaan qabiil oo caadifadaysan iyada oo su,aashu tahay oo aan la ogayn waxa uu tabanaayo xildhibaanku balse jawaabta ayaa noqonaysa mid ah sidii uu u helilahaa kursiga maayirnimo hadaba ma haboontahay in mudanayaasha golaha deegaanku ma dooran doonaan xildhibaankan?
Waa jawaab u taala mudanayaasha caasimada hargaysa
Mustafe Axmed(Herer).
Email:herersax@gmail.com.
Tell:0634061560
Gobanimonews.com.office
Hargaysa /solamliland