[caption id="attachment_93146" align="alignleft" width="281"] Muuse Biixi oo kula kaftay Qurbaawiyiinta Madal[/caption]
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhamaan shacbi waynaha Somaliland ee uu ka baxay Marxuum mujaahid Saxardiid Axmed Cawil , oo manta oo ay taariikhdu ahayd 30/9/2014, ku geeryooday magaalada Burco ee gobalka Tog-dheer
Gudoomiye Biixi wuxuu Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto dhamaanteena samir iyo iiman inaga siiyo.
Aamin Aamin Aamin
ALLAH MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Md. Muuse Biixi Cabdi