Wednesday, October 1, 2014

Maxaa Sababay in Saraakiisha Ciidanka Somaliland Maalinba Mid La Iska Toogto intii Siilaanyo Xukunka La Wareegay?

maqaalBidhan horaanteedii ayey ahayd markii hab qabyaaladaysay saraakiil ciidanka milateriga ah loogu dilay deegaanka QORU-LUDUG ee gobolka Togdheer,iyadoo aysan cidina u soo qaban cidii shirqoolkaasi lagu dilay saraakiisha fulisay,maanta ayey ahayd markii taliyihii ciidanka booliska lagu dilay magaaalda Arabsiyo oo ilaa 28km dhinaca galbeed ka xigta magaalada caasimada ah ee hargeysa.

Dilalkan soo noqnoqanaya ayaa waxay muujinaysaa halka uu maanta dalku marayo iyo in sharcigii iyo kala danbeytii sii dhimanayso,isla markaana maalinba maalinta ka danbaysa dalkuu uu sii galayo jahawareer siyaasadeed,kadib markii madaxweynihii dalkan loo doortay uu ku fashilmay xukunkii dalka isla markaana aysan jirin cid odhanaysa dalkii waad ku fashilan tahaye iska deg oo ha loo dhiibo cid hanan karta talada dalka.

Arimaha inta badan ay bulshadu is weydiiso waxa ka mid ah labada xisbi mucaarad oo la moodo in aysan qorshayaal balaadhan oo kolka xukuumadu mustqabalka dalka mugdi geliso ay kaga saari karaan,waayo waxay ahayd in labada xisbi mucaarad ku yidhaahdaan xukuumada inay xilka iskaha degto waayo aduunkii ayey inaga soo xidhay oo maanta duniduba wax kale ayey u aqoonsan yihiin masuuliyiin awood badan ku dhex leh xukuumadan siilaanyo,taasina waa ta keentay in maanta Somaliland ay gasho go’doon siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee waxay shacabka reer Somaliland wer wer ka qabaan in dilalka qorshaysan eel ala beegsanayo saraakiisha ciidanka ay sii socoto taasina ay horseedo kala aamin baxa ciidanka qaranka Somaliland.

Qore:Axmed Jaamac Maxamed

Email:Axmeddhambaal@gmail.com

Hargeysa/Somaliland