Wednesday, October 1, 2014

Hambalyo iyo Hogo-tusaale saaxiib..Qalinkii: Saleebaan Kalshaale

klshaale800 oo Arday ayaa shalay ka qalin jabiyay Jaamacadda HARGEYSA. dhalinyaro badan oo aan asxaab nahay ayaa iiga dhex muuqda bahda qalin jabisay oo aan dareen ahaan la wadaago farxada dhamaystirka Duruusta Jaamacada.

qaar badan oo ka mid ah asxaabtaas waxa sawirradooda aan ku arkayaa baraha Bulshadu ku xidhiidho, iyadoo ay asxaabtooduna bogaadin u dirayaan. aniga laftayda ayaa xubno ka mid ah ka bogaadiyay Face-booka, oo sawirkooda aan ka daalacday. laakiinse waxaan ka geyoon waayay inaan saaxib kasta markaan sawirkiisa arko comments gareeyo hambalyo.., waxa kale oo iska cad inaan qof iyo koox toona u gaadhsiin karin talo iyo tusaale ku saaban munaasibada.

hadaba waxaan marka  hore asxaabta jaamacadaha ka qalin jabiyay ee i garanaya iyo kuwa kaleba aan leeyahay HAMBALYO HAMBALYO(Alif Mabruuk)...

Mar labaad waxaan u soo jeedinayaa dhamaantood inaanay ka daalin dedaalka dhismaha Mustaqbalkooda ay ugu jiraan. waxaan si nasteex ah u farayaa inaanay dib ugu laaban Guryaha iyo waalidka ee ay hareerahooda daymoodaan. kuna dhiiradaan inay dalkooda wax kala soo baxaan oo ay xoogsadaan... waxa hubaal ah in waxbarashadu aanay ahayn Allaab lacag lagu raadiyo marka uu qofku barto, balse ay tahay wax la fal gala nolosha iyo dabeecada qofka oo dhaqan ahaan wax ka bedesha xataa siduu u noolyahay.

Waxa WADDANI dhab ah oo mustaqbalka la xuso noqon lahaa wiilka Jaamacada ka qalin jabiya ee haduu shaqo kale waayo si mutadawacnimo ah uga howl-gala goobaha adeega Bulshada ee dadka u dhexeeya. waxa ka sii muwaadinsan ka si uu noloshiisa ula tacaalo oo uu dhaqaale u xoogsado isagoo jaamici ah Kuuliga Sibidhka qasa ka mid noqda, waxaanu kaasi Iimanka u dejin karaa Kumanaan ka xishoonayay inay Dukaamada Qoysaskooda ka shaqeeyaan... anigoo dareemaya in qaar badan oo idinka mid ahi ila yaabanyihiin, hadana waxaan idin xusuusinayaa inay xuquuqdii waddanku idinku maqantahay, waxa ii cad inaad dhamaantiin fiirinaysaa xafiisyo aad ka shaqo gashaan, balse ma ogi in midkiin isweydiiyay ama ku hamiyayo inuu sameeyo isagu xafiis cusub oo adeegyada uu qabto aan hore looga heli jirin dalka. kaasoo Boodhkiisu noqonayo adeeggaha Bulshada danyarta ah,isla markaana aan Ganacsi u furnayn ee muddo xadidan dadka bilaash loogu shaqaynayo... bal dib u eegga sxbyaal Jaamacadduhu waxay idinka iibinayeen waxbarashada, semis tar kasta waxay idinka qaadayeen lacag ay qorsheysteen, iyagoo aan qiimeynayn baahidiina.

Ninkii bixin waaya lacagtaasi laydinka shubi jiray, maanta muu qalin jabiyeen. hadaba bal dib isu waydiiya imisa qayrkiin ah ayaa awoodi waayay inay iibsadaan waxbarashada? imisaa dhexda idinkaga hadhay? Imisaa idinka horeeyay oo xafladihii loo qabtay uun ay isku xidhnaantooda iyo meel ka soo wada muuqashadoodu inoogu dambeysay?. waaryaadhaheen iyo gabdhayahow bal idinka maxaanu idiinka aynaa dal iyo dadba waanu idin sugaynaye...

Qalinkii: Saleeban Cabdi Cali

Email: editor@gobanimonews.com