Jaaliyada Qurba Jooga Beesha ugu tunka waynleh ee ka midka ah beelaha habarjeclo ee degta gobolka togdheer iyo dhamaanba gobolada kale ee somaliland ee gaashaan buurta axmed faarax (G,A,F) ee reer biniin ayaa si adag u qaadacday go'aankii madaxwayne siilaanyo ka soo dhiibay aqalka madaxtooyada hargeysa ee aan la garanayn cida ka talisa?.
Jaaliyada qurbajooga beesha reer buniin ee Gaashaan buurta axmed faarax oo shir jaraa'id oo degdeg ah ka yeeshay go'aan oo dhawaan ka soo baxay madaxtooyada hargeysa ee siilaanyo kaas oo ay u arkeen mid khaldan beeshana ku duudsinaaya waxii ay xaq u lahyeen.
Dhawaan ayey ahayd markii xukumada axmed maxamed siilaanyo ay u dirtay raxan wasiiro ah oo u tagay si ay usoo xaliyaan muran ka taagnaa waqooyiga burco oo ay ku muransanayeen beesha reer biniin iyo beesha cabadalle arab, waxayna ka soo saareen go'aamo ay labada dhinacba soo dhaweeyeen, Balse kadib markii la dhaqdhaqaajiyay odayaal beesha cabdalle arab ah loona kexeeyay madaxooyada hargeysa oo huteel looga kireeyay si ay u kulmaan madaxwaynaha.
Kulankaas kadib ayaa waxaa madaxwayne siilaanyo u balan qaaday odayaasha cabdalle arab in uu duudsiyi doono beesha reer biniin deegankooda bali diiriye guuleed una magacaabay gudi ka kooban golaha guurtida oo go'aan uu kasoo tahriibiyay hargeysa ku amray inay kusoo ridaaan beesha reer biniin.
Gudiga uu soo diray madaxwayne ee ka socday golaha guurtida ayaa beesha reer biniin ee GAF ku riday go'aan jujuub ah oo khasab ah kaas oo ay shir jaraaid ku qabteen isla maalintiiba magaalada burco oo ay ku qaadeceen go'aanka madhalayska ahaa ee aan shaqayn doonin wax kasta oo dhaca.
Hadaba Jaaliyada beesha reerbiniin ee gaashaan buurta axmed faarax (GAF) ayaa todobo qodob ka soo saaray oo kala ah kuwan hoos ku xusan.
1-Hadaanu nahay qurba jooga reer biniin ee GAF waxaanu ka soo hor jeedna go'aanka xaqdarada ahaa ee madaxwayne siilaanyo ku riday deegaamada iyo dhulka beesha reer biniin ee burco waqooyigeeda ah Bali diiriye guuleed.
2-Waxayna qurba jooga beesha reer biniin isku raaceen inay qaadacaan dulmigaa iyo go'aankaa aan dhexda ahayn ee lagu duudsiyay dhulkoodii ay deganyeen ka awoow ka awoow".
3-Waxayna qurba jooga beeshu halkan ka cadaynaysa in hore aan wax dhibaato ahi uga jirin deegaamadaa bali diiriye oo labada beelood ee walaalaha ahi si nabad galyo ah u wada degenaayeen waligood hadana u wada degan yihiin,lakiin xukumada siilaanyo aad moodo inay muran iyo go'aamo is burinaaya marba kasoo saarayso kaaas oo ay beesha reer biniin dan u arakin".
4-Qurbajooga Beesha waxay islagarteen in aanay aqbali doonin wax kasta oo ku duulaan ah deegaamadooda dhulkooda hantidooda iyo xoogooda kana xigaan difaacid si wada jirana isugu raacsan yihiin dibad iyo gudaba.
5-Qurbajooga beesha reer biniin ee gaashaan buurta axmed faarax (GAF) Waxay isla garteen hadii xukumada axmed Maxamed maxamuud siilaanyo ay dib uga noqon waydo go'aankan xaqdarada iyo duudsiga ah ee lagu riday inay kalsoonidooda kala noqon doonaan xisbiga kulmiye iyo gabi ahaanba xukumada axmed maxamed siilaanyo.
6-Beesha reer biniin waxay go'aansatay in aanay waxaba la hadhi doonin difaaci doontona dhulkooda iyo hantidooda hadii laysku dayo in shaadhka dawladeed lagu maquuniyo.
7-Beesha reer biniin waxay waxay marwaba taageerttaa ilaalinta nabad galyada xasilonaanta meelaha ay wada deegaan beelaha ay walaalaha yihiin ee somaliland, waxayna aad u taageerssan tahay qadiyada somaliland iyo gooni isu taaga ee lama taabtanka ah.
Allaa Mahad Leh
Afhayeenka Jaaliyada Qurbajooga Beesha Reer Biniin Ee Gaashaan Buurta Axmed Faarax (GAF)
Maxamed Xuseen Geele Wacays.Uk.
Brgaf@gmail.com