Thursday, October 2, 2014

Dugsiga Sare ee Salaama oo munaasibad ku maamuusay Ardaydii Kaalmaha hore ka gashay Imtixaanaadka Shahaadiga ah

Dugsiga Sare ee Salaama oo munaasibad maamuusa u qabtay Ardaydii Kaalmaha hore ka gashay Imtixaanaadka Shahaadiga ee Sannadkan.
salaama

Hargaysa(GNA) iyada oo ay horaantii todobaadkan ay wasaarada waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Somaliland ay ku dhawaaqaday natiijada Imtixaanka Shaahadiga ah ee sannada 2013-2014 , ayaa waxa kaalmah hore ku guulaystay ardayd ka tirsan dugsiga Sare ee Salaama Secadary School ee magaalada hargaysa.
Hadaaba maamulka iyo macalinmiinta Dugsiga Salaama Sakadari Iskuul ayaa maanta munaasibada iskugu jirtay Sabootin iyo maamuus u qabtay Ardaydii dhamaysatay khaasatan kuwii kaalamaha hore ka galay intixaanaadka Dalka oo dhan, Xaflada Si heer sare loo soo agaasimay oo ka dhacday Hotelka Imprial ee magaalada hargaysa laguna sabootinaayay ardaydaasi ayaa waxa ka soo qayb galay maamulka iyo macalimiinta Dugsiyada SAlaama Schools masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland,xisbiyada qaranka,xildhibaano ka tirsan Aqalka Baarlamaanka Somaliland iyo ,marti sharaf kale oo aad u tiro badan waxaan ugu horeyn ka hadlay maamulka Dugsiyada Salaama Schools iyaga oo u hambalyeeyay Ardayda ku guulaystay inay ka mid noqdaan tobanka Ardayd ee ugu horeeya dalka Somaliland ee Imtixaanaadka,gudoomiyeyaasha xisbiga Muxaafidka Kulmiye Muj. Muuse biixi Cabdi iyo waddani C/raxmaan Cirro iyo xildhibaan dheeg ayaa iyaguna dhankooda ardayda u jeediyay hadalo iskugu jira waano iyo hogal tusaalayn islamarkaana ku dhiiri galiyay inay sii wadaan geediga aqooneed ee aanay halkaa kaga hadhin, Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Somaliland mr.Abiib ayaa isna dhankiisa maamulka Dugsiyada Salaama ku amaanay dadaalka ay muujiyeen isaga oo u hambalyeeyay.
Gaba gabadii waxa halkaasi lagu gudoonsiiyay ardaydii Toptanka kaga jiray sannad dugsiyeed dalka Shahaado sharafyo iyo abaal marino ay gudoonsiiyeen maamulka dugsiga Salaama, iyada oo munaasibaduna ku soo dhamaatay jawi degan.
Mustafe Axmed(Herer
Gobanimonews.com

Hargaysa/Somaliland office
herersax@gmail.com