Thursday, October 2, 2014

Hargeysa: Diyaar-garowga Ciidda iyo Dharka loogu iibsiga badanyahay sanadka.warbixin

Dharkii laga keeni jiray Yemen oo joogsaday iyo Xarakaadka Dukaamada oo aad uga yar ciddihii hore..Warbixin

[caption id="attachment_99317" align="alignleft" width="300"]Hooyooyinka oo Caruurtooda ciidsiinaya Hooyooyinka oo Caruurtooda ciidsiinaya[/caption]

Hargeysa(GNA)-Mashquul badan ayaa laga dareemayaa Suuqyada Dharka iyo baddeecadaha kala duwan lagu iibiyo ee Magaalada Hargeysa, iyadoo ay fooda inagu hayso munaasibada Ciidal Adxada oo sida la filayo ku beegan maalinta Sabtida ee todobaadka dambe.

Suuqa ugu weyn ee Magaalada ee Waaheen, ayaa maalmahan oo kale waxa uu kulmayaa dad badan oo isu diyaarinaya Ciida, kuwaasoo halkaa ka iibsada Huga iyo agabka kale ee ay ku Iidayaan.

Waalidiin ubadkooda u gadaya Huga Ciida ayaa Mashquuliyay Dukaamada huga dadku xidhaan iibiya iyo meheradaha yar yar ee Qalabka caruurtu ku ciyaarto Iibinaya.

Laakiinse dhaqdhaqaaqa Suuqa ayaa aad uga yar Ciidihii hore, marka la barbar dhigo sidii sanadihii hore xilligan oo kale, waxaanay Iibiyeyaasha Dukaamadu Gobanimonews u sheegeen inaanay wali dareemin culays la mid ah Ciidihii hore, taasoo ay u aanaynayaan dhaqaale la’aan jirta.

Sidoo kale, Dharka ayay sheegeen inuu sanadkan ka yaryahay sanadihii hore, taasoo ay u sabab tahay Baddeecadihii laga keeni jiray Yemen oo Istaagay, gaar ahaan Dhar aad u jaban oo laga soo dhoofin jiray Yemen.

“Dharku aadbuu u yaryahay, waayo waxa laga guuray dharkii Yementa oo waxa loo wareegay China, markaa Safarka Shiinaha laga keenayaa wuxuu soo soconayaa Masaafo dheer” sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Mulkilaha Dukaan dharka lagu iibiyo oo la yidhaahdo Carwo Gunti Gaab.

“ iyadoo dharku uu yaryahay, hadana dad badani Suuqa wali may soo gelin oo busaaradbaa dalka ka jirta, lacagi ma taalo waddanka” ayuu yidhi. Cabdiwahaab.

Mulkilaha Carwada Gunti-gaab waxa kale oo uu sheegay “waxaan iibinaynaa Dharkii dadka waaweyn iyo kii Caruurta oo dhan, si fiican ayaanan dadka ula saayiraynaa” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Geesta kale, Dukaamada waaweyn ee ay dadka dhaqaale ahaan ladani ka dukaamaystaan ayaa laga dareemayaa Mashquulka dhinaca wax iibka ee Magaalada, waxaana ka mid ah Dukaanka Sacada-diin ee badhtamaha Magaalada ku yaalla oo ay Wariyeyaashu booqdeen.

Hase ahaatee Hooyooyinka ka dugaamaysanaya Suuqa ayaa qaarkood sheegeen in qiimaha dharku aad u sareeyo.

Waxyaabaha indhaha iyo dareenka Dadka soo jiidanaya, waxa ka mid ah Dharka dhalinyaradu ugu iibsiga badanyahay sanadka, oo noqday Saraawiil iyo Garan-shaadhyo ay ku qoranyihiin Facebook iyo Twitter, kuwaasoo ay dhalinyaradu aad u waydiinayaan Dukaamada, iyagoo aad moodo inaanay xiiseynayn dharka kale.

Si kasta oo sicir barar u jiro waalidiintu waxay ku khasbanyihiin inay Carruurtooda dhar cusub iyo wixii kale ee ay calmadaan maalmahan oo kale ay u iibiyaan si ay Munaasibada ciida iyagoo faraxsan ula Ciiddaan.

Saleeban Cabdi Cali

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: curad1986@gobanimonews.com