Hargeysa(GNA)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland ayaa saaka la soo hortaagay Askari shalay fal toogasho ah ku Khaarajiyay Taliye Saldhig Magaalada Gabiley ee Gobolka Gabiley.
Maxkamaddeynta Askarigan ayaa subaxnimadii saaka ka bilaabantay Saldhiga dhexe ee Caasimada Hargeysa oo ay ku taallo Maxkamadda Miltarigu, waxaana ka qayb galay Saraakiil ciidan iyo Taliska Maxkamadda.
Maxkamadda ayaa socotay ilaa wakhti dambe oo Xilli salaadkii ah, waxaana sheegayaan warar hor dhac oo ka soo baxay taliska Maxkamadda Ciidanka ayaa sheegaya in Askarigaasi lagu xukumay Dil.
ma cadda goorta la fulin doono dilka, hase ahaatee Taliska Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa shalay wacad ku maray in dhakhso sharciga loo marin doono Askariga Toogashada sameeyay.
“Waxaan shacbiga Somaliland u sheegayaa in Askarigaa falka Xaq darada ah ku dilay Sarkaalka dhakhso sharciga loo marin doono”ayuu yidhi Fadal.
Dilka AHN Marxuum Cabdi Ismaaciil Xaaji Cali, ayaa si weyn looga hadal hayaa Bulshada dhexdeeda, waxaanay dadku si weyn isu weydiinayaan waxa laga yeeli dilka saraakiisha ciidanka ee ka dhex bilaabantay Ciidanka.
“hadii Askarigaa la dili waayo, waxa saameyn ku yeellan doontaa arrintani ciidanka, siiba Saraakiisha, waxaana meesha ka baxaysa kala dambeynta Ciidanka” .sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Siciid oo ah Muwaadin aqoon u leh Cilmiga Milateriga.
Dhinaca kale, waxa Maanta Magaalada Hargeysa si heer qaran ah loogu aasay Taliyaha shalay la toogtay Cabdi Ismaaciil Xaaji Cali.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno ka tirsan Goleyaasha Dawladda iyo Ciidamada qalabka sida ayaa ka qayb galay Aaska Marxuumka, waxaana lagu aasay Xabaalaha Naasa-hablood ee Bariga magaalada Hargeysa.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com