Thursday, October 2, 2014

Gollihii Sharci Dajintu wuxuu isku badelay Gollihii Sharci Jabinta

mohhh - Copy (1)Somalidu waxay tidhaahdaa nimaan waxa soo socda garanin waxa jooga ma garto, odhaahdaas oo  loola jeedo macno ahaan ku tallo-galka barri iyo ka fikirka manta, dhinaca aragtida dheer, fahanka iyo cabirka waxa soo socda.

Aragtida qaloocan ee haddana la rabo inay meel dheer wax aragto waxa u sawirmi karra inuu ku qofku ka hadlo ama uu iska dhaadhiciyo wax aanu si buuxda uu arki karrin oo malihiisa ah, lagana yaabo inay tahay (0/6)

Waxa nasiib darro ah manta in Gollihii sharci dajinta uu isku bedaly Gollaha Sharci jabinta sababtoo ah waxay ahayd inay illaaliyaan sharciyada iyo xeerarkii dalka u yaalay, manaanay ahayn inay  baalmaraan kuna tuntaan xeerarkii iyo sharciyadii ee ay iyagu ansixiyeen, waxa aad moodaa inay usoo  tafo xayteen oo ay doonayaan hab ay ku  curyaamiyaan dadaalada horumarineed ee ay bulshada reer Somaliland ku hawlan yihiin, iyo inay xukuumada ku abuuraan  qas iyo wareer, sababtoo ah kal fadhigii 25-aad ee golaha wakiilada ee qabsoomay 30-kii 9-kii bishan 2014, shirkaas oo uu  shirgudoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Cirro  markii ay dhamaatay ansixintii Xeerka Diiwaangalinta muwaadinka ee  Xeer Lr. 37/2007.  ka dib   Guddoomiyuhu wuxuu u akhriyey xildhibaanada go’aan goluhu ka soo saaray doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka in mar la wada qabto, ka dibna wuxuu  mudanayaasha ku wargeliyey inay go’aankaas u codeeyaan, waxana aqbalay 64 mudane, hal xildhibaan wuu ka aamusay, cid diidayna may jirin, go’aankaasi waa mid baal marsan  XEERKA DOORASHOOYINKA  (Xeer Lr. 20/2001)   Qodobka 8aad, Wakhtiga qabashada doorashooyinka
Komishanka ayaa cayimaya taariikhaha la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka, waxanay ku soo bixi doontaa Degreeto Madaxweyne.

markaa Miyaanay jabin qodob ka mid ah Xeerka doorashooyinka (Xeer Lr. 20/2001)  qodobkiisa  8-deedaad  qodobkaas oo tilmaamaya wakhtiga qabashada doorashooyinka iyo  cida sharciga u leh hadday noqon lahay cayimada wakhtiga doorashada la qabanayo, iyo qaabka doorashada loo qabanayo ama ha la wada qabto doorashada ama ha lakala qabto doorashee, markaa miyeynaan odhan karrin Gollahii Sharci dajintu wuxuu isku badelay Gollihii Sharci jabinta.

 

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti