Makka(GNA)-Alle ha u naxariistee waxa Magaalada Makka ee dalka Sucuudiga ku geeriyooday Xaaji Ibraahim Nuur Geelle oo ka mid ahaa Xujaajta Somaliland ka xajay sanadka, kaddib markii gaadhi Arbacadii isagoo ka soo baxay Masaajid uu ku tukanayay oo ku yaalla Magaalada Baraykan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ammaanka ee Dalka Sucuudiga iyo laamaha kale ee Dawladda u qaabilsan arrimaha xajka oo la xidhiidha geerida Marxuumkan u dhashay Somaliland ee Gaadhigu jiidhay. Balse Suldaan Maxamed Cabdilaahi oo ka mid Ehelada Marxuumka ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay Dhimashadiisa.
Faahfaahin dheeraad ah lagama helin sababta dhalisay shilka, waxayse ehelada marxuumku intaas ku dareen in lagu aasi doono isla dalka Sucuudiga, inkasta oo aanay si rasmiya u cadeynin.
AHN marxuumka ayaa ka mid ahaa dadka ka soo xajay Gobolka Togdheer gaar ahaan Magaalada Burco.
Xaajiga ayaa ka mid ahaa waxgaradka Gobolka togdheer, gaar ahaan deegaamada Galbeedka oo aad looga yaqaanay.
Waxa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa xujaajta uu kaxeeyay Sheikha weyn ee Sheikh Mustafe Ismaaciil Haaruun.