Friday, October 3, 2014

Dawladda Jabuuti oo Xabsi ka sii daysay Kalluumaysto Yemen u dhashay

[caption id="attachment_99329" align="alignleft" width="300"]Yamaniyiinta oo caan ku noqday tuuukada Kalluumaysiga Yamaniyiinta oo caan ku noqday tuuukada Kalluumaysiga[/caption]

Cadan(GNA)-Dawladda Djibouti ayaa xabsiga ka sii deysay 25 Kalluumayste oo u dhashay dalka Yemen, kuwaasoo lagu eeddeeyay Kalluumaysi sharci daro ah, laguna xukumay xabsi.

Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha ee dawladda Yemen, 12 ka mid ah Kalluumaystadan ayaa Salaasadii gaadhay Waddankooda, kaddib markii xabsiga laga sii daayay.

13  kale ee hadhay ayaa la sheegay inay Khamiistii soo gaadheen Dalka Yemen, sida uu sheegay Wasiirku arbacadii shalay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dawladda Djibouti oo ku saabsan sii deynta Baxaariyiintan.

Kalluumaysatada dalka Yemen  ayaa ku caan baxay Kalluumaysiga Tuugada ah, waxaana inta badan lagu qabtaa iyagoo ka kalluumaysanaya Biyo dalal kale.