Burco(GNA)-Dawlada Hoose Burco ayaa Bilawday Laami casri ah kaas oo dhererkiisu dhanyahay inka badan Toban kiiloo mitir, waxaanu kusoo wareegay Faras magaalaha Mgaalada Burco.
ilawga laamigan cusub ayaa waxa goob joog ka ahaa Badhadaabka Burco,Maayarka Burco,Ku xigeenka Maayarka,Xildhibaano Golaha Degaaka ah''
Mayaarka Burco Maxamed Yuusuf Cabdi(Maxamed Muraad) oo faahfaahin ka bixinaya wadadan ayaa sheegay in ay laamigan ku baxday inka badan hal Milyan oo dollar,waxaanu hadalkiisii ku bilaabay “wadadani waa shaqadii nalaga sugayay ee dadku naga sugayay inaanu qabano hadii aanu nahay dawlada Gobolka iyo Golaha degaanka,saaka ayaa ilaahay ka dhigay inaanu bilawno,waxaanu ku talo galay sadex iyo toban km iyo badh inaanu ku samayno maalmo gudahood. “Saacad ka hor baa la bilaabay hadana waad aragtaan halkay sii socoto,reer Burco waxaan leeyahay Lacag milyan ka badan baa ku baxaysa wadadan ee Guryaan laamiga kusoo jeeda Guri kasta halkaas laamigu ku joogo waa inay Marmarka ama sibidh soo gaadhsiiyaan oo ciidaasi meesha ka baxdo si aan wadadaasi ciidu u aasin. waxaan kale oo reer Burco farayaa wadooyinka inay Biyaha ay ku saydhinayaan ka daayaan,wadaadaasi waa raasmaal aynu leenahay ee aynu ilaashano”.
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse diiriye ayaa dawlada hoose ugu madnaqay wadan casriga ah waxaanu isna dadwaynaha ugu baaqay inay inay ilaashadaan.
Maayar Ku-xigeenka Burco Muxumad Xasan jaamac (Xoday)oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan wax qabadka iyo shaqada ay bulshada reer Burco u hayaan.