Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaalo Hambalyo ah u diray shacbiga iyo Muslimiinta adduunka Munaasibada Ciiddal ADXADA.
War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu shaaciyay fariinta madaxweynaha ee Ciidal Adxada, taasoo u dhignayd sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Dhamaan Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culima aw-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed uu shacbiga Madaxweynuhu leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.
“Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo, inta Bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una dinbi dhaafo”.
Dhinaca kale dhambaal uu soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu yidhi “Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa munaasibada CIIDAL ADXADA awgeed dhamaanba shacabiwaynaha Somaliland iyo umadda muslimiinta ah ,
wuxuu alle inooga rajaynayaa inuu inaga aqbalo cibaadadii bisha Ramadan, isagoo ALLE uga baryaya inuu u naxariisto intii dhimatay inta xanuunsanaysana caafimaad dagdag ah siiyo, sanadkan kiisana bash-bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo.”.
dhamaan Muslimiinta Adduunka ayaa maalinta berri u dabaal-degaya Munaasibada Ciidal Adxada oo ah Ciidda labaad ee Muslimka.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com