
QAYBTII 3AAD
“Si wanagsan u cashee cidlana way kaa dheertahay saynab waxkastaa caawa ayay sidoodii kusoo noqonayaan waxba cadho caloosha haku qarsan khayrkaa xigiyee caawana goobtan ayaad seexanaysaa “Hotel-ka” Anigana inaan sii baxo ayaa qasaba waayo waa wakhti danbe laakiin kaama fogi garabkaaga ayaan taganahay subaxa markay cadceedu dhulka cadaysana waan kuu imanayaa insha allah laakiin mid adigoo raaliya telephone numberkaaga ii sheeg si intaanad seexan isku xog waraysano iiguna sheegtid sababta ka danbaysay inaad borama timaadid”
Hadalkaas markaan ka dhahay saynab isbadal deganaasho ku tacaluqa ayaa ka muuqaday wajigeeda waxooga waxay kusoo laabatay jawigii saxda ahaa inkastoo indhaheega ka muuqdeen wal-wal aan saa usii waynayn ka dib waxay si degan iiga tidhi
Saynab: Runtii mustafe marnaba ma hilmaami doona abaalka aanan qiyaasi karayn eed ii gashay iyo caawimada balaadhan eed ii fidisay iyo hadalada naxariistuku lamaantahay eed ku dajisay qalbigaygii holaca murugadii ka baxayay wll telephone numberkayguna waa 063XXXXXXX
Waxad moodaa saynab intaasi ka dib inay kasoo gudbaysay xalaadii qalafsanayd ee ay ku sugnayd saacad ka hor si deg-deg ah ayaanan u qortay numberkeeda ismacasaalamayn ka dibna waxan usoo jihaysaty dhankaa iyo hoyga aan ka deganahay magaalada boorama iyadoo su’aalo badan aan iska waydiinayo cida ay saynab qalbigeedii ugu deeqday misana cidlada kaga dhaqaaqay socod deg-deg ah ka dib iyo su’aalo badan oo maankaygu i waydiinayo ayaa si kadis ah dhagtaydu waxay u dheehatay codka telephone-kayga oo ii baaqay talaabadii ayaan hakiyay tell-kayga ayaan si degan u fiirshay misana waaba number-kii aan daqiiqado ka hor ku xareeyay tell-kayga qabasho ka dib dhegta ayaan la gaadhay codkii saynab ayaa iiga baxay “Wllo Mustafe wali xaafadii maad gaadhay” hadalkaas ayaa iiga soo yeedhay xaga saynab jawaabtayduna waxay noqotay “Maya saynab wali maan gaadhin waan ku dhawahay insha allah anaa kusoo wici markaan xafada tago”
Intaasi ka dib waxan sii watay socodkaygii ku aadanaa xagaa iyo xafada waxyar ka dib waxaan milicsaday muuqa gurigayaga “Gaw Gaw”waa garaaca albaabka oon si degan u garaacay wiil walaalkay ah ayaa iga furay gudaha ayaanan usii gudbay waxanan beegsaday qolkaygii salka ayaanan dhigay kursi aan saa iiga fogayn telephone-ka ayaan gacanta saaray waxanan wacay saynab “Dhiidh Dhiidh”…Hello Mustafe Waa codkii saynab
Aniga: Haye saynab sidaan filayo wanaagii aan kaaga soo tagay ayaad wali ku sugantahay…?
Saynab: Haa wllo mustafe waan wanaagsanahay hada
Aniga: Sax masha allah hadaa saynab ha wal-walin waxkastaa saxdii ayay noqon doonaan
Saynab: Haye wllo
Aniga: Wll saynab ilaa hada sidaad ogsoontahay kama warhayo cida rasmiga ah eed u timiday borama iyo sababta saldhig u ahayd inaad borama timaadid markaa adigoo raaliya si aan si wanagsan ugu wada aqoonsado dhibaatada waxad ii sheegtaa cida aad magaaladan u timiday adigoonan wax ina aadam ah ka garanay…?
Saynab: Mustafe mararka qaarkood nolosha macaankeeda ayaad dhadhaminaysaa hadana macaankii aad dhadhamisay ayuu qadhaadh kusoo daba marayaa anigana sidaas oo kale ayaa igu dhacday mudo badan ayaan xidhiidh wada wadnay jacaylka kiisa macaan ayaan la wadaagay waa cusub ayaa noloshayda u curtay farxad mooyee murugo maba kulmin in mudo ah waxan u hibeeyay qalbigayga waxan ka xushay dhamaan qayrkii,waxan dajiyay qalbigayga,waxan u koolkooliyay si ayna hooyadii usoo koolkoolin,waxan ka dhawray xanafta,waxan ka ilaaliyay xumaanta,waxan u hibeeyay naftayda,waxan u jeclaaday si aan waalidkay u jeclaan,waxan usoo dhawaystay sida hooskayga “hadhkayga” oo kale,waxan u aaminay si aan waligay ruux u aaminin,waxan ku qabay kalsooni tan ugu heerka saraysa,waxan naawili jiray aragiisa,waxan jeclaysan jiray markasta dhawaqiisa,waxan wacad ku marnay inaan nolosha wada wadaagno,wanaag mooyee waligay xumaan maan tusin,waan jeclaaday jacayl dhab ah,Maantana cidla cad ayuu igaga dhaqaaqay isaga dartii ayaan magaaladan u imiday anigoonan cid ka garanayn balan ayuu ii qaaday ahayd markaan magaalada sidaa usoo galo inuu ii imanayo si wanagsana ii soo dhawaynayo Laakiin nasiib daro hadalkasta oo uu iga dhahayay been ayay ahayd AX Markaan magaalada imiday anigoo isaga dartii waalidkaygii uga soo fogaaday isaga dartiina u imiday magaalda si aan u kulano oon iskugu faraxno isaguna telephone-kii ayuu iga xidhay…Ax Ax Ax Mustafe Jacayku Sidan miyuu u xanuun badanyahay..?Sidan miyaa la isigu khiyaama,Maxaan ka galabsaday wllo,Sidan oo dhan muxuu iigu galay,Beenta xadigeedu intan leegyahay muxuu iigu sheegay…Aax Ax Ax Nolosha Ayaaban Nacay Mustafe…Ax
LASOCO QAYBTA 4AAD
Qalinkii Qoraa Mustafe Caraale
Caraale_143@hotmail.com