Ban Ki Moon oo Ergey gaar ah u magacaabay Arrimaha Dhalinyarada Soomaaliya iyo nuxurka booqasho uu sarkaalka la magacaabay ku yimi Muqdisho
Muqdisho, 1 October 2014 – (GNA)-QM, ayaa bilowday qorshe ay dhalinyarada Soomaaliya ugu riixayso inay ka qayb qaataan siyaasadda dib u dhiska dalka.
Tani waa talaabo bilow u noqon karta isbedel ku yimaada hogaamiyeyaasha Siyaasadda ee xilligan oo badankoodu daalay.
Booqasho uu Magaalada Muqdisho ku joogo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dhalinyarada Mr. Ahmed Alhendawi oo laba maalmood qaadan doonta ayaa ujeedaddeeda lagu sheegay inay daarantahay sidii uu madaxda Soomaaliya ugala xaajoodo kaalinta dhalinyarada Soomalaiyeed ee hindisayaasha dhismaha nabadda iyo dowladnimada.
Sarkaalkan oo maanta dalka soo gaaray, ayaa madaxda Soomaaliya waxa kale oo uu kala xaajoonayaa siyaabaha Qaramada Midoobey ay ku caawin karto qorshayaasha Dawladda Soomalaiya ee ku aaddan dhinaca dhalinyarada.
Booqashadan labada maalmood ah ayaa ergeygu kulamo kula qaatay Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Baarlamanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada, Wasiirka Tacliinta Sare Hidaha iyo Dhaqanka iyo Wasiirka Caafimaadka. Sidoo kale waxa uu la kulmay wakiillo ka socday kooxaha dhalinyarada iyo bulshada rayidka ah.
Wada xaajoodkii hore u dhex maray labada dhinac ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa xudduntiisu ahayd samaynta Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo la doonayo inay wax ka qabato dhinacyada waxbarashada, shaqa-la’aanta, caafimaadka iyo ka-qaybgalka siyaasadda.
Waxaana Booqashadan Ergayga lagu sheegay mid xaqiijinaysa ka- go’naanshaha Qaramada midoobey ee taageeridda barnaamijyada ay Xukuumadda Soomaaliya ku gacan siineyso dhalinyaradeeda sida uu sheegay Ahmed Alhendawi.
Dawladda Soomaaliya
Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaalid Cumar Cali oo ka waramay siyaasadda xukuumaddiisa ee arrimaha dhalinyarada ayaa yiri: “Siyaasaddan dhalinyaradu waxay diiradda saaraysaa awood-siinta dhalinyarada Soomaaliyeed waxana ay u oggolaanaysaa inay ka qaybgalaan dib-u-dhiska iyo dib-u-soo kabashada dalka. Si isbeddel loogu sameeyo Soomaaliya, dhalinyaradeenu waa inay noqdaan udub-dhexaadka xasiloonida, isbeddelka bulshada iyo horukaca dhaqaalaha.Ka-qaybgalkooda dib-u-dhiska Soomaaliya waxa uu noqon doonaa mid muhiim ah waxana siyaasaddan ay fududeyneysaa inay kaalin weyn ku yeeshaan hannaanka go’aan-gaarista ee dalka. Xukuumadda Soomaaliya waxaa ka go’an iney dhalinyarada siiso xirfadihii loo baahnaa iyadoo u maraysa waxbarasho tayo leh iyo tababaro xirfadooda kor loogu qaadayo”.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu qaabilsan dhalinyarada Ahmed Alhendawi oo isaguna hadlay ayaa yiri: “Waxaan halkaan u imi maxaa yeelay waxaan rumeysnahay in hantida ugu badan ee uu dalkani leeyahay ay tahay dhalinyarada. Waxaan ogahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay dhibaato ka soo gaadhay khilaafkii uu dalku soo maray. Waxaa la joogaa xilligii la siin lahaa cod”.
Dhaqdhaqaaqyada lagu dhiiri gelinayo inay dhalinyarada Soomaaliyeed kaalin mug leh ku yeeshaan arrimaha Siyaasadda ayaa ku soo beegmaya xilli ay wali da’yar badan oo dalka ku sugani qayb ka yihiin xasaraha ammaan darada ah ee dalka ka jira, kuwaasoo qaarkood u dagaalamaan Kooxda Mayalka adag ee Alshabaab.
Qaarna ay sanaddo hore ku biireen Kooxaha Budhcad baddeeda ah ee Maraakiibta qafaasha.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com