Qandaraas dawladdii Siyaad Barre ku siisay Garoon laga dhisayay Dhulkaasi ayay sugayeen dawlad u celisa dhaqaalihii kaga khasaaray..Daawo
Burco(GNA)-Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa lagu eeddeeyay inuu dad shacab ah siiyay, Dhul dawladdu leedahay oo ahaa Garoon Kubadda Kolayga loogu talo galay oo isagoo qabyo ah ay Dawladdii Siyaad barre dhacday, kaasoo ku yaalla badhtamaha Magaalada Burco.
Garoonkan oo sida la sheegay ay isku haystaan laba dhinac oo Shacbi ahi, ayaa la sheegay inuu Wasiirku siiyay dhinac ka mid ah dadka isku haysta, taasoo dhalisay cabasho xooggan oo ka soo yeedhay dhinicii kale.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasiirka oo uu iskaga difaacayo eeddeyntan culus ee sheegaysa inuu Dhul dawladdeed ashkhaas damac kaga jiro uu u loogay, balse sida ay sheegeen xubno u hadlay qoyska kale ee muduciga ku ah gacan ku haynta dhulkaasi, Dhulkan waa dhul dawladdeed, waxaanay ku dooddayaan inuu Tacab badani kaga jiro, sida ay sheegtay Maryan Muuse Warsame.
Maryan ayaa sheegtay inuu Dhulkaasi gacanta ku hayay Odaygeedii oo Geeriyooday, kaasoo ay dhacday dawladdii Siyaad Barre iyadoo uu socdo dhismaha Garoonka Kubadda Kolayga ee loogu ralo galay in dhulkaasi laga dhiso.
Hooyodan oo cabasho ka dhan dhinacyada dhulkaasi ka xoogay u dirtay Madaxweynaha iyo Hay’adaha kale ee xukuumadda, ayaa daboolka ka qaaday in Wasiirka Ciyaaruhu si badheedh ah uga faro maroojiyay Dhulkan uu tacabkii Odaygeedu ku jiro, haysatana dhamaan Macluumadkii uu heshiiska kula galay dawladdii ka qandaraastay.
“waxaan hayaa dhamaan waraaqihii uu qandaraaska kula galay dawladdii siyaad barre iyo wixii hanti ahayd ee ka gashay”ayey tidhi Maryan oo qoraal cabasho ah soo gaadhsiiyay Xafiiska Gobanimonews ee Magaalada Burco.
Qoraalka cabashada ah oo uu la socday Muuqaal Video ah oo ay ku faahfaahinayso cabashadeed ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha JSL waxa aan halkan ugu soo gudbinaynaa Arrin Dadweynaha Burco ay aad ula fajaceen oo filan waa ku noqotay, Arintaasi oo ah Garoonkii Kubada Kolayga ee Qabyada ahaa ee Burco oo Mudo badan ay Deganaayeen Dad Shacab iyo ganacsato ahi, Dedaal dheer iyo hawgal ay Xukuumadii Hore samaysay waxa lagu guulaystay in dadkii deganaa Garoonka iyo hareerihiisaba laga raro. Oo uu sidaas Garoonkii kaga badbaaday dhulboobkii dalka ka dhacay. Isla markaana Ay Xukuumadii Riyaale ay gacan ku hayntiisa uu sii ogolaatay sidii ay horeba ugu hayeen Agoontii ilma X. Diiriye Xirsi oo Aabohood Lahaa Qandaraaskii Dhismaha Tiyaatarka oo isagoo wada ay Xukuumadii Siyaad Barre Dhacday Hantidiisiina ay Gashay Dhismahaas Qabyoobay, ilaa iyo Wakhtigaasna uu gacnta ku hayey oo markii danbena Caruurtiisa kula sii dardaarmay in Hantidaas Ummada aanay Qaadan ee ay Xukuumada JSL ku Wareejiyaan Xaqoodii iyo wixii Xuquuq ah ee ay helaana Xukuumadaas ka qaataan sidaasna uu ku galo gacanta Dawlada JSL.
Warbixin kooban
Garoonka Dhismihisa Waxa Qandaraas ku helay Allah ha u naxariistee Marxuum X. Diiriye Xirsi 1984kii sida ku cad Wareegtada Bixinta Qandaraska ee ka sobaxday Xafiska Madaxweynaha JDS ee sumadaysan Lam. JDS/XM/C/18-32/84 kuna Tarikhaysan 2/01/1984. Kuna Lifaaqanyihiin 1. Waqada Gudomiyaha Golaha Hormrinta G/togdheer (Abshir Salax Maxamed) Tix: XGTB.88.84 kuna Tarikhaysan 16/01/1984. 2. Warqada Codsiga ah ee Wasarada Shaq. Iyo Isportigu ay Wasarda Maliyada iyo Bangiga Dhexe Somaliya kaga Codsanayaan In Qandaraasle X. Diiriye loo sidaayo Xisabta Dhismaha G/kubada Kolayga Sumadeedunatahay WSHT/XW/VIII-2/31/87 kuna Tarikhaysan 15/6/1987. Waxa kale oo ku lifaqan arjigan, Waraqihii Qandaraska, Nashqada dhismaha Garoonka iyo Waraqaha xisaabta qarshiyadka ee dhismaha.
Waxa dhacay dagaalkii 1988 ee Burco lagaga qaxay islmarkaana Dhismihii Garoonka uu qabyobo, sidaasna uu gacanta ku sii hayey ilaa iyo maantana ay agoontii Ilma X. Diiriye ay hantidaas iyagu a xafidaan isla markana dhibaato badan u somareen aduun badanina kaga baxay ilaalinta Garoonka Wakhtiyo Badan oo Dhulboobku aad uga socday Burco.
Hadaba Waxa dhacday in ilma Yuusf Cilmi ay sheegtaan in Abohood iyo X. Diiriye ay Qandaraaska Wada qateen, Wax Cadayn ah oo ay u haystaana aanay Jirin. Maantana uu Cali Siciid Raygal Waraaqo ugu sameeyey oo Ay dhisteen Dhamaan Dhulkii iyo Gudiihii Tiyaatarka oo ay ka Dhiseen in kabadan 50 Musqulood iyo dhawr iyo Toban Jiingadood oo ay ka Kireeyeen Maqqaxiyo, Kabadho Qaad, Rayiislayaal.
Markii aanu wasiirka uso dacwoonayna wuxuu nagu yidhi meesha horta isku dila oo buuq ha ka dhaco markaas ayaan wax ka qabanayaaye. “
Hoos ka daawo Video :