
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka jawaabayay warbixin ay soo raareen UN monitoring group, taas oo lagu xusay in hubka iyo rasaasta dowladda lagu iibiyo suuqyada iyo bannaanaha, waxaana lagu yiri warbixinta hubkii dowladda loogu deeqay waxa uu gacanta u galaa Al-shabaab.
Warbixintan ay soo saareen Qaramada midoobey ayaa lagu xusay magaca ah Musa Xaji Maxamed oo loo yaqaano Ganjab, oo ah ganacsade Soomaali ah, oo la sheegay inuu la taliye u yahay madaxweynaha inuu ku lug leeyahay heshiisyada hubka dowladda lagu iibiyo.
Madaxweynaha oo la hadlay telefishinka France24, ayaa sheegay in shaqada laamaha UN-ka aysan ahayn eedeyn, balse ay tahay hurmariunta iyo sare u qaadidda dalka.
Wuxuuna intaa raaciyay madaxweynaha inuusan jirin qof lagu magacaabo Musa oo weligii la taliye ka noqday xafiiska madaxweynaha. Wuxuuna dalbday in UN monitoring Group ay cadeeyaan xilliga Musa Xaji uu noqday lataliyehiisa.
Reuters ayaa sidoo kale soo xigatay Ganjab oo ah ninka la eedeeyay, wuxuuna iska fogeeyay inuu ku lug leeyahay arrimahaasi.
Warbixinta ay soo saartay kooxda la socodka Soomaaliya iyo Eritereya ee Qaramada midoobey, oo ka koobnayd 482-bog, ayaa eedo badan loogu jeediyay dowladda Soomaaliya, iyo xittaa qaar ka mid ah ciidamada AMISOM.
Kooxdan ayaana Golaha Amniga ee Qaramada midoobey u soo jeedisay in ciidamo caalami ah la geeyo badda Soomaaliya, kuwaas oo gacanta ku dhiga maraakiibta caalamiga ah iyo kuwa Soomaalida, haddii looga shakiyo inay hub qarsoodi ah u sidaan gudaha Soomaaliya.
Waxaa kaloo ay ku soo bandhigeen, in goluhu uu xaddido hubka ay dowladda Soomaaliya soo dhoofsan karto.
BBC:Xigasho
Gobanimo News Agency
Helsinki office