
Waxa weftiga ku soo dhaweeyay Magaalada Buuhoodle, qaybaha kala duwan ee Bulshada, sida Dhalinyarada, Haweenka iyo waxgaradka, waxaanu ku degay Hudheelka Cabdi-guray Plaza.
Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee Khaatumo oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Kayse Cabdi Yuusuf, ayaa la socda Galaydh, waxaana lagu wadaa in Maalinta Berri Xaflad balaadhan uu kaga dhawaaqo dhamaystirka Golaha Maamulkiisa,magacaabana wasiir ku xigeeno.
Waxa kale oo lagu wadaa inuu kulamo la yeesho qaybaha kala duwan ee Bulshada, oo sida uu sheegay la tashiyo uu la samayn doono, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Masuuliyiinta la socdaa.
Mr. Galaydh ayaa hore Magaalada Buuhoodle u yimi intii aan Madaxweynaha loo dooran dhowr jeer, balse intii uu xilka hayay ma uusan iman Magaaladan xarunta u ahayd SSC.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa dadka reer Buuhoodle uga digay inay soo dhaweeyaan cali Khaliif iyo Maamulkiisa, isagoo dhinaca kalena wacad ku maray inay talaabo ka qaadi doonaan Galaydh hadii uu deegaamada Buuhoodle yimaado.
Xaglo-toosiye iyo siyaasiyiinta kale ee ka soo jeeda Buuhoodle ee xukuumadda Siilaanyo ku jira, ayaa sheegay in Cali Khaliif dhibaato amni daro iyo xasarad ka abuurayo Gobolka, taasoo ay shacbiga uga digeen inay soo dhaweystaan.
Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland ayaa todobaadkii la soo dhaafay Badhasaab cusub u magacaabay Gobolka Buuhoodle ee xaruntiisu ay tahay Buuhoodle.
Cismaan Ciise Maxamed, oo ah guddoomiyaha cusub ee Buuhoodle ayaan wali soo cago dhigan Buuhoodle, kuna sugan Magaalada Hargeysa ee laga soo magacaabay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland oo ;la xidhiidha mawqifkooda ku aadan imaanshiyaha Galaydh iyo Khaatumo ee Buuhoodle.
Gobanimonews
Buuhoodle Office
Email: editor@gobanimonews.com