Axad 03.11.2013 (GNA) -Qaahira xog hayaha arimaha dibadda ee maraykanka oo booqasho ku jooga wadanka Masar. Ujeedadda safarkiisa yaa ah mid uu ku dhiiri galinaayo dawladda uu milatariggu taageero si ay usoo celiso dimuquraadiyadda. Waana waftigii u horeeyey ee madax heer sare ah oo maraykan ahi ku tagaana booqasho Dawladda Masar, tan iyo intii xukunka laga riday madaxweynihii hore ee Maxamed Morsi bishii July 2013.
Dawladda maraykanka yaa hakisay boqolal milyan oo lacagta gargaar ah ee uu siiyo dawladdaa Masar.
Booqashadda xoghayaha arimaha dibadda John Kerry yaa ku soo beegantay, maalin ka hor intaan maxkamadda la horkeenin madaxweynihii hore ee Maxamed Morsi, oo lagu eedeynayo inuu lug ku lahaa guubaabadii dilal dad ku banaanbaxay guriga madaxtooyadda hortiisa december 2012.
www.gobanimonews.com