Monday, November 25, 2013

Xuseen B. Maax "Go’aankii shacabka oo xuud liqay iyo Saleebaan oo Seef loo dhiibay"


Go’aankii shacabku ku dhawaaqay 18 May 1991,madaxbanaanidii iyo gooni isu taagii aynu ku naaloonay-nay ma xuud baa liqay,22sanno kadib ma waxa aynu aqbalay dib inaynu ugu noqono midnimadii Soomaaliya.Waa maxay xaaladan ugub-ka ah ee Madaxweyne Axmed-siiraanyo uu ku aqbalay safiirka Turki-gu inuu qunsilayadiisii u soo raro caasimada Jamhuuriyada Somaliland.Waa maxay siyaasada ku gadaaman talaabadan khatarta ku ah jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.




 




Siyaasada arrimaha dibada ee Axmed-siiraanyo ugu horayntiiba waxay tidhi(Diidmo iyo i-iinyo uun ku jiri maynee waa inaynu Somaliya wadahadal la galaa!).Waxay ahayd siyaasad daboolan oo aan shacabka loo bayaamin,kana soo aroortay dawladaha reer galbeedka oo iyagu u tafa-xaytay sidii ay u dejin lahaayeen Somaliya oo ay Somaliland ka mid tahay.Waxaana qorshahoodu ahaa inay ku dayaan habka Federal-ka,laguna bilaabo horumarinta gobolada xaaladoodu deggantahay.




Xaggay inala martay qaabkan iyo qorshahan aynu ku milanay ee shacabkana loo tilmaamayay dhalanteed aan dhab ahayn.Bal u fiirso talaabooyinka ay xukuumada Axmed-siiraanyo u qaaday dhinaca midnimada Somaliya:




1.Xeer u ogolaanaya wadahadalada Somaliya ayay ka ansixisatay golaha




   Sharci dejinta.




2.Waxa barbar socday wacyi gelin shacabka loogu dhuubayo wadahadalada




   Lala curin doono Somaliya.




3.Waxa la bedelay ku dhawaaqida magaca qaranka oo ah Jamhuuriyada




   Somaliland,waxa si fudud loo qabatimay magaca ah Somaliland.




4.Marnaba shacabka looma cadayn danta inoogu jirta kulamada Somaliya.




5.Waxa la aqbalay hawada inay Somaliya iyo JSL wada maamushaan.




6.Waxbarashadii ayaa la hoos geeyay Somaliya.




7.Waxa la aqbalay ciidamada qaranku inay ku lebistaan ka Somaliya.




8.Waxa la aqbalay dawarsiga iyo horumarinta Somaliya la siinayo inaynu




   toos u qaadano qaybtii gobolnimada.




Maantana waa taa safiirkii Turkiga u fadhiyay Xamar ku dhawaaqay inuu qunsilayadiisa ka furi doono Hargeysa sida ay aqbashay xukuumada uu hogaanka u hayo Madaxweyne Axmed-siiraanyo.Si talaabadan qaran dumiska ah loo hirgeliyo ayaa 2dii gole ee sharci dejinta lagu jiheeyay murano ay xukuumadu curisay.Masuuliyadii shacabku ku aaminay 2da gole sharci dejin(Guurtida iyo Wakiilada)ee ahayd inay hubiyaan talaabooyinka halis gelin kara jiritaanka dalka ee ay xukuumadu qaado waa kuwaa durdurinaaya dooxyo kale.




Waad aragtaanoo gudoomiyahii golaha guurtida oo ay saarantahay awoodii 2aad ee dalku in lagu jiheeyay xal u helida loolanka ka jira xisbiga Kulmiye.Gudoomiyahii golaha wakiiladana lagu furay daad ee uu xunbada cuskaday.




Waxa cadaan ah hadii ay xukuumada Axmed-siiraanyo daacad ka tahay xidhiidh diblumaasiyadeed oo ay yeelanayaan Turki-ga iyo Jamhuuriyada Somaliland in la adeegsan lahaa mid ka mid ah qunsuliyadaha hoos taga safiirada kale ee Turki-ga u fadhiya dalalka Jabuuti,Ethopia iyo Kenya.Somalilanderskii hore waxay yidhaaheen (Timir laf baa ku jirta).Maxaa innagu qasbaaya inaynu aqbalo qunsuliyada Turki-ga ee Xamar.




Xuseen Xasan Badmaax




Hargeysa/JSL