Monday, November 25, 2013

Somaliland: Wufuud Galabta ka dhoofay Madaarka Hargeysa iyo kuwo ka soo degay


   Hargeysa(GNA)-Wufuud gaar gaar ah ayaa gelinkii dambe ee Maanta qaarkood ka dhoofeen Madaarka Hargeysa, qaarkoodna ka soo degeen.




 







Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo xoghayaha guud ee xisbigaasi, ayaa u ambo baxay dalka Itoobiya, halkaasoo uu marti qaad ka helay Xisbiga dalka Itoobiya xukuma ee EPRDF.




 







Waxa halkaasi ku sii sagootiyay xubno sar sare oo xisbiga Kulmiye ka mid ah oo uu ka mid yahay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbigaasi Maxamed Kaahin Axmed, waxaanay dalka Itoobiya labadan xubnood ku manqaanayaan muddo shan Maalmood ah.




Dhinaca kale, wefti Haween ah oo ay hogaaminayso Wasiir ku-xigeenka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil, xubnona ay ka yihiin xubno ka mid a haweenka siyaasadda ku jira ayaa u ambo baxay dalka Uganda, halkaasoo ay u tageen aqoon korodhsi ku saabsan ka qayb-qaadashada haweenka ee arrimaha siyaasadda.




 



Geesta kale, waxa isla madaarka Hargeysa galabta ka soo degay wefti balaadhan oo ka kooban Maayirrada sagaal degmo oo somaliland ka mid ah, Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, saraakiil ka socday Hay’adda UNHABITAT iyo kuwo ka socda wasaaradda arrimaha gudaha.




Weftigaasi oo ka soo laabtay Safar ay ugu maqnaayeen Dalka tansania, muddo sagaal maalmood ah, ujeedadiisuna ahayd sidii ay iskaashi  iyo wada shaqayn ula yeelan lahaayeen Ururka Dawladdaha hoose ee Bariga Afrika, waxa socdaalkooda ka saaciday Hay’adda UN-HABITAT oo kaashanaysa mashruuca horumarinta dawladaha hoose ee qaramada Midoobay.




Xubno ka kala socday Golleyaasha deegaamada ay Maayiraddani madaxda ka yihiin iyo dadweynaha kale ayaa ku soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa, waxaanay sheegeen inay waxyaabo badan oo cajab geliyay iyo waayo aragnimo shaqo ka soo faa’idaysteen dalkaasi.




 







“Waxaanu tagnay magaalada Caruusha ee Caasimada tansania, waxaanu kala soo laabanay waayo aragnimo aad u badan, waxaan odhan lahaa malahayga dalkaa aanu tagnay waxyaabihii aanu ku soo aragnay markaa eego aniga ku dhehoo dadweynaha reer somaliland Mawaadiniinba maaha”sidaasi waxa yidhi Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo warbaahinta qolka nasashada kula hadlay.




Waxaanu intaasi ku daray “Dalkaa aanu tagnay Inanka Dugsiga dhigtaa laba Litre oo biyo ah ayuu soo qaataa subixii oo uu ku waraabiyo Geed uu beeray oo loogu magac daray, Suuqa Ganacsiga waxa maamula qof qudha cashuurta haday tahay , nadaafada haday tahay iyo haday Kirada tahayba”.




Soltelco ayaa intaasi raaciyay inay la kulmeen Madaxda ururka Dawladdaha hoose ee dalalka Bariga Afrika, kuwaasoo ay isku afgarteen in Ururka Dawladdaha hoose ee somaliland lagu daro dalada ay ku midaysanyihiin Ururadda dawladdaha hoose ee afarta dal ee Bariga afrika.




Geesta kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha  Cabdisamad Cumar Maal oo isaguna dib soo laabashada weftigan ka hadlay ayaa sheegay “Safarkan waxa naga bixinaysay kharashka aanu ku tagnay Hay’adda UN-HABITAAT,waxaanu ka soo faa’idaysanay waxyaabo badan oo ay dawladdaheena hoose u baahanyihiin, wxaana ka mid ahaa wada shaqayntaa dhex mari doonta Dawladdaha hoose ee Somaliland iyo Dalada Ururadda Dawladdaha hoose ee Bariga Afrika, waxa kale oo aanu la kulanay Jaaliyadda somaliland ee dalkaasi ku nool”ayuu yidhi Agaasimuhu.




Maayiradan oo muddo sagaal maalmood ah dalka ka maqnaa ayaa kala ahaa Maayiradda Hargeysa, Burco, Berbera, Boorama, Laascaanood, Oodweyne, Saylac iyo Gabiley.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com